Isimo shaaciyay in laga heshiiyay murankii Dekedda Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Waxaa maanta magaalada Boosaaso lagusoo bandhigay Afar qodob oo la sheegay in lagu xallin doono muranka dekedda Boosaaso kasoo muddooyinkii dambe ka taagnaa xarunta gobolka Bari.

Shirka dhacay hotel Gacayte oo ay joogeen qaar kamid ah Isimada Puntland, Wasiirka Dekeda iyo Gaadiidka badda Puntland, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha gobolka bari, Duqa degmada Boosaaso, Culuma’udiin, aqoonayahanada, Nabadoono iyo qaar ka haweenka ganacsatada ee Bosaso.

"Sidaan wada ognahay waxaa in mudda ah is fahamiwaa ka jiray mashruuca balaarinta dekeda Bosaso kaas oo sababay inuu hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga. Markaan xogwaraysi la yeelanay qaar ka mida madaxda dowladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Islamarkaanka ay aanu aragnay xaaladaha jira ayaanu ka gaarnay go’aankan soo socda." sidaas waxaa yiri Yaasiin Beeldaaje Cabdullaahi, oo warbaahinta u akhriyay qodobada la sheegay in lagu xallinayo dhibka dekedda Galkacyo.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa isimadu timaameen inay xal u noqon doonto boogta buskan la'a ee sameeyay qorshihii lagu ballaarin lahaa dekedda Boosaaso, waxayna ahaayeen afarta qodob ee hoose;

In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf.

In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay.

In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso.

In lagu dhaqmo tariifada isimmadu soo saareen ee ku meelgaar ah sida ku cad lifaaqa.

Bishii hore dhowr ayaa dekeddu xirantay, waxaa sidoo kale dhacay bannaanbaxyo, halka dowladda iyo ganacsatada ku socodsiiyeen ganacisigii dekedda heshiis 10 cisho jiray.

Murankan ayaa yimid kadib markii ganacsatadu ka cowdeen in lagu siyaadiyay lacagihii lagu canshuuri jiray gaadiidka iyo badeecooyinka kasoo dega dekedda.

Lama oga qaabka uu u dhaqangali doono heshiiskan, xilli Madaxweyne Gaas uu si cad u shaaciyay in dekedda lagacteeda la kordhin doono si dadka maalgashaday waxoodii ay u helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM