Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku laabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta 09 December 2017 dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Garoowe kadib safar maalmo qaatay oo ku tagay Muqdisho.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya, midkii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida ee ka dhacay Muqdisho, wuxuuna sheegay inay kusoo dhammaadeen guul.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka, islamarkaana lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo leh astaan qaran, kuwaasoo ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta waddanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in 2400 oo ciidanka dawladda Puntland ah ay qayb ka noqon doonaan isku dhafka ciidamada Soomaaliyeed ee hadda la yagleelayo.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaas ku daray in shirka madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM