Mayor ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo oo Garowe lagu xiray

Image

GAROWE, Puntland- Gudoomiye ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo, Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa caawa lagu xiray magaalada Garowe, kadib amar la sheegay inuu kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Taliska qaybta Booliiska gobolka Nugal ayaa xabsiga u taxaabay Yacquub, iyadoo aysan jirin eed lagu soo oogay.

Xariggan ayaa yimi saacado kadib markii saxaafaddu baahisay shir jaraa'id oo Yacquub uga hadlay tallaabooyin madaxweyne Gaas ka sameeyay gobolka Mudug kuwaas oo ku tilmaamay in madaxweynuhu u maray qaab qabyaaladaysan.

HALKAN KA DHAGEYSO WARSAXAFEEDKA KU-XIGEENKII HORE EE GOBOLKA MUDUG KU QABTEY MAGAALADA GAROWE

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda kaas oo ku aadan xarigga loo gaystay Mayor ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo.

Xariggan ayaa saamayn ku yeelan doono Barnaamij Yacquub uu kawaday warbaahinta Radio Garowe, kaasoo loogu gurmanayay Maasaajiadda, waxaana barnaamijkan oo maalin kasta soo galayay inta lagu jiray bisha Ramadaan lacag loogu uruurinayay sidii Baydka ALLE dayactir loogu samayn lahaa.

Maaha markii ugu horaysay ee xukuumadda Puntland Xabsiga dhigto siyaasiyiin dhaliilay siyaasadda madaxweyne Gaas, waxaana arrintan kusoo aaday xilli warbaahinta Radio Daljir hawada uga maqnayd muddo dhan 12 bari sifo sharci darro ah iyo xarig laga soo amray dhinaca madaxtooyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM