Mudo Korarsi uu sameeyo Madaxweyne Gaas oo laga digay

Image

GAROOWE - Siyaasiyiin miisaan culus ku leh Puntland ayaa ka digay mudo korarsi uu sameeyay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas", xili mudo xileedkiisa uu dhamaanayo sanadkan 2016.

Wareysi uu BBC-da siiyay Afhayeenka Madasha "Puntland Focus Group" Ciise Maxamuud Faarax (Dhoollowaa) ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin xaaladda Puntland 'Siyaasad iyo amni ahaan.'

Madashan oo ay ku midoobeen Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Musharaxiin hore ayaa bayaan ka kooban 4 qodob oo kala ah Doorashada, amniga, Dastuurka iyo arinta Tuulada Tukaraq.

Marka laga tago arrimaha nabad gelyada iyo dastuurka, waxay Siyaasiyiinta ku eedeeyeen Madaxweyne Gaas iyo Xukuumadiisa in ay doonayaan mudo kororsi islamarkaana aysan qaban doorashada watigeeda.

Puntland Focus Group ayaa ku baaqay in la doorashada aysan waqtigeeda dib uga dhicin, lana dhowro dastuurka Puntland ee qeexaya mudo xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo ah 5 sano.

Qoraalka Madasha ay soo saartay 25-kii bishan Febuary ayaa looga digay Xukuumadda Gaas inay Puntland dib ugu celiso colaaddii 2001-2003, taasi oo dad badan ay ku dhinteen, sidoo kalena sababtay barakac. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM