Puntland: Sidee Kheyre loogu soo dhoweeyay Garoowe? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland.

Waxaa Ra'iisul Wasaare Kheyre Garoonka Diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay Mas'uuliyiin uu horkacayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, shacab ku lebisan calamada Puntland iyo Soomaaliya.

Amniga ayaa si aad ah lo adkeeyay, iyadoo wadooyinka lagu xiray boorar lagu xardhay sawirka Ra'iisul Wasaare Kheyre, oo ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo soo dhaweyn ah.

Kheyre oo mudo maalmo ah ku sugnaan doona Puntland, ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo xuska sanad-guuradda 20-aad ee kasoo wareegatay aas-aaska Puntland, oo lagu wado inay dhacdo 1-da August, 2018.

Waa booqashadii ugu horeysay oo Khayre uu ku tago Puntland tan iyo markii xilka Ra'iisul Wasaare loo magacaabay Febuary 2018, iyadoo safarkiisana uu kusoo beegmayo xilli xiriirka Xukuumadiisa iyo maamulka Gaas uusan wanaagsaneyn.

Gaas ayaa ku casuumey Khayre inuu yimaado Puntland, waxaana wararka uu helayo Garowe Online ay sheegayaan inuu geyn doono Tuuladda Garacad, si uu u dhagax dhigo Dekad cusub oo halkaasi laga dhisayo. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Puntland ayaa sanadkan u dabaal dageysa sanad-guuradda aas-aaskeeda xilli ay wajahayso caqabado amniga ugu horeeyo, sidoo kalena dagaal kaga furan yahay dhanka gobolka Sool, oo Somaliland degaanka Tukaraq ka qabsatay Jan 8, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM