Puntland: Sidee Kheyre loogu soo dhoweeyay Garoowe? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland.

Waxaa Ra'iisul Wasaare Kheyre Garoonka Diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay Mas'uuliyiin uu horkacayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, shacab ku lebisan calamada Puntland iyo Soomaaliya.

Amniga ayaa si aad ah lo adkeeyay, iyadoo wadooyinka lagu xiray boorar lagu xardhay sawirka Ra'iisul Wasaare Kheyre, oo ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo soo dhaweyn ah.

Kheyre oo mudo maalmo ah ku sugnaan doona Puntland, ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo xuska sanad-guuradda 20-aad ee kasoo wareegatay aas-aaska Puntland, oo lagu wado inay dhacdo 1-da August, 2018.

Waa booqashadii ugu horeysay oo Khayre uu ku tago Puntland tan iyo markii xilka Ra'iisul Wasaare loo magacaabay Febuary 2018, iyadoo safarkiisana uu kusoo beegmayo xilli xiriirka Xukuumadiisa iyo maamulka Gaas uusan wanaagsaneyn.

Gaas ayaa ku casuumey Khayre inuu yimaado Puntland, waxaana wararka uu helayo Garowe Online ay sheegayaan inuu geyn doono Tuuladda Garacad, si uu u dhagax dhigo Dekad cusub oo halkaasi laga dhisayo. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Puntland ayaa sanadkan u dabaal dageysa sanad-guuradda aas-aaskeeda xilli ay wajahayso caqabado amniga ugu horeeyo, sidoo kalena dagaal kaga furan yahay dhanka gobolka Sool, oo Somaliland degaanka Tukaraq ka qabsatay Jan 8, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM