WARBIXIN: Booqashada RW Khayre ee Puntland iyo siyaasadaha ku hareereysan

Image

GAROWE, Puntland - Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maanta oo Axad ah uu booqasho ku yimaado magaalo madaxda Puntland ee Garoowe halkaasoo casuumaad uu ka heley Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali [Gaas].

Wafdiga Ra'iisul wasaaaraha ayaa sida warsidaha Garowe Online wararka ku helayo waxa kamid ah qaar ka tirsan golihiisa Wasiirada, xildhibaano iyo tageerayaal kale oo la sheegey in qaarkood  muddo asbuuc ah kaga soo horeeyeen magaalada Garoowe kuwasoo la filayo iney ka qayb qaataan soo dhaweynta loo sameynayo wasiirka Kowaad ee xukuumadda FS.

Wararka laga helayo guddiyda qaabilsan qaban qaabada loogu jiro soo dhoweynyta wafdiga Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in boorarka ay ku qoran yihiin hal-dhigyada lagu soo dhoweynayo Kahyre qaarkood laga keeney magaalada Muqdisho.

Xasan Cali khayre oo safarkaan u ah midkiisii ugu horeyeey oo uu ku yimaado Puntland tan iyo intii xilka loo magacaabey Febuary 2017, ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xilli Puntland ay ku jirto xaalado coladeed iyo kuwo siyaasadeed, sida doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan maamulkaan sanadka 2019.

"Madaxweyne Gaas waxuu isaga sii jeedinayaa booqashada Khayre cadaadiska ka haysta furumaha Tukaraq iyo doorashooyinka taasoo uu rabo inuu maalmo shacabka reer Puntland isaga mashquuliyo," sidaas waxaa Garowe Online u sheegey siyaasi ku sugan magaalada Garoowe oo diidey in aan magaciisa xusno.

Ra'iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqashadiisa Garoowe waxaa lagu tiilmaamey mid ku soo beegmeysa xilli magaalada Muqdisho ay ka haystaan culeyso siyaasdeed iyo kuwo amni.

Waxaa tusaale u ah fashilka ku yimid qorshihiisii xasilinta magaalada Muqdisho kaasoo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya dabada ka riixayey, iyadoo amniga xarunta dowlada Soomaaliya lagu wareejiyey ciidamada booliska kulankii maalintii khamiista golaha wasiirada yeesheen..

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in xiriirka Madaxweynaha Soomaaliya iyo RW Khayre uusan wanagsaneyn iyadoo maalmihii lasoo dhaafey kulamo gaar gaar ah la kala yeelanyeen labada mas'uul qaar ka tirsan odoyaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Muqdisho.

Dadka la socda siyaasada Villa Soomaaliya ayaa aaminsan in marka laga soo tago codsiyada horey ugaga yimid xubnaha golayaasha kaga jira dowlada Federaalka Puntland in Khayre booqasho ku tago maamulkaan ayaa haddana waqtiga ay dhaceyso waxaa loo dhihi karaa iney tahay fursad shacabka indhahiisa uu kaga weecinayo culeysyada ka jira Muqdisho. 

Madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale dalab hordhigey imaanshaha RW Khayre ee magaalada Garoowe isagoo horey ugu sheegey inuu geynayo Garacad halkaasoo uu rabo in loo soo dhagax dhigo dakad la sheegey in laga dhisayo tuuladaas. 

Sida Warsidaha Garowe Online ka helayo magaalada Muqdisho Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kala hadlay dalabka kaga yimid Gaas ee ku aadan dhagax dhiga Dakadda Garacad xildhibaano kasoo jeeda Galmudug iyo kuwo kasoo jeeda gobolka Barri "Puntland" kuwasoo welwel ka muujiyey booqashada RW Xasan Cali Khayre ku tagayo tuuladaas.

Xildhibaanada kasoo jeeda maamulka Galmudug ayaa sida aan wararka ku heleyno waxay u sheegeen Khayre in dhagax dhig kale oo dowlada Feederaalka ku sameyso dekad kale ay caqabad ku tahay qorshaha la damacsan yahay in dekad lagaga dhiso degmada Hobyo taasoo Madaxweyne Famaajo uu dhagax dhigey January 2018, halka mudaniyaasha kasoo jeeda gobolka Barri ee Puntland Ra'isal wasaare Khayre dhinacooda u sheegeen in Madaxweyne Gaas dakado kale dhisayo halka uu ku guuldareystey in dakada Boosaso qorshihii lagu balaarin lahaa ama weli la bilaabin iyadoo dib u dhac weyn ka jiro uu sabab u yahay.

Ugu dambeyn, booqashadaan ayaa ah midii labaad ee mas'uul sare oo ka tirsan DF Soomaliya ku yimaado Puntland tan iyo intii ciidamada Somaliland January 8, 2018 qabsadeen tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Madaxweyne Farmajo ayaa ku sugnaa Puntland xiligii dulaanka Tukaraq dhacayey waxaana uu ka dhoofey Garoowe isagoo aan wax hadal ah ka oran talaabada coladeed uu maamulka Somaliland kusoo qaadey Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM