Saxaafada oo qadacdey iney tabiso dib u soo noqoshada Madaxweynaha Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo galabta dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa gabi ahaan saxaafada ka howlgasha magaalo madaxda qaadacdey in ay kaga hortagto garoonka diyaaradaha islamarkaana kasoo tabiso shirkii jaraa'id uu ku qaban jirey xarunta madaxtooyada.

Qaadacaada saxaafada ayaa timid kadib iyagoo cabasho ka muujinaya hab dhaqankii Wasiirka warfaafinta Puntland iyo xariga aan loo meel dayin ee loo gaystey Idaacada Daljir xarumaheeda magaalada Garowe, Galkacayo iyo Bossaso.

Xafiiska madaxtooyada Puntland iyo talefishinka dowlada ayaa Wararka soo gaarey saxaafada ka yimaadeen faafintooda iyadoo wararka sheegayaan in Madaxweyne Gaas qorsheynayo inuu kulan la qaato maalmaha soo socda ururka saxafiyiinta Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa aflagaado, hanjabaad iyo Dastuur jabin u gaystey saxaafada Puntland isagoo ku dhaartey inuu xabad la dhici doono qaybaha kala duwan ee warbaahinta hadii aysan aysan u hogaansamin amaradiisa HALKAN KA DHAGEYSO

Dhinaca kale qaybaha kala duwan ee saxaafada ayaa ku tilmaamey ka maqnaanshaha shirka jaraa'id ee Madaxweynaha Puntland ee galabta kadib markii Mudane Gaas iyo xafiiskiisa si joogta ah u diidaan in wax laga waydiiyo arrimaha siyaasada ee taagan mar walba iyo shirarka uu kaga soo qayb galo koonfurta Somaliya.

Xirnaanshaha Idaacada Daljir ayaa waxaa cambaareyn u soo jeediyey dhamaan ururada iyo hay'adaha u dooda Xuquuda saxaafada kuwasoo xukuumada Puntland uga dalbadey iney degdeg u furto warbaahintaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM