Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo ku wajahan Puntland [ Sababta]

Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa ku soo wajahan wafdi ka socda urur goboleedka IGAD kuwasoo kulamo la qaadanaya madaxda maamulkaas.

Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha GO ka heley ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in wafdigaan la filayo maalinta Isniinta ama Talaadada soo gaaraan magalada Garowe kuwasoo u socda sidii xal looga gaari lahaa colaada u dhexeysa maamulada Puntland iyo Somaliland.

Wafdigaan oo ka kooban wadamada ku bahoobey urur goboleedkaa IGAD ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa hogaaminaya saraakiil ka tirsan dalka Ethiopia.

Dalka Ethiopia ayaa sida warsidahaan horey u sheegey waxaa dalalka daneeya arimaha Soomaaliya iyo QM u xilsaareen xalinta colaadaan. Wadanka Ethiopia madaama uu xiriir dhow la leeyahay labadaan maamul. Halkaan ka akhri 

Xogaha ku hareereysan socdaalka IGAD ay ku tagayaan Puntland iyo Somaliland ayaa sida  GO ogaadey waxaa uu diirada saarayaa sidii labada ciidan ee maamuladaan loo kala qaadi lahaa.

Qorshaha wadamada hormuudka u ah xalinta khilaafkaan, islamarkaana ay wadaan wafdiga  IGAD ayaa ah in ciidamada Somaliland u guuraan fariisinkoodii hore ee Gambara halka Puntland dib ugu soo noqoneyso Tukaraq. 

Socdaalkaan ayaa ku soo aadaya qoraal dhowaan golaha amaanka ka soo saarey colaada gobolka Sool kuwasoo ku baaqey in labada maamul “Puntland & Somaliland” joojiyaan dagaalka islamarkaana dib u kala qaadaan ciidamadooda isku horfadhiya jiida hore ee Tukaraq.

Puntland iyo Somaliland oo hadalo colaadi ku jirto is-waydarsanayey asbuucyadii lasoo dhaafey ayaa waxay wadaan Xoojinta ciidamada isku horfadhya Tukaraq.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM