Wasiiru dowlaha Waxbarshada Puntland oo ka horyimid Madaxweyne Gaas

Image

GAROOWE- Kadib markii maalintii shaley uu baaqdey go’aan golaha Xukuumada Puntland kasoo gaari lahaayeen qaraarkii Barlamanada Soomaaliya ku mamnuuceen shirkada DP World ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya sida qaar ka tirsan golaha Wasiirada maamulkaas uga horyimaadeen Madaxweyne Gaas.

Wasiiru dowlaha Waxbarshada Puntland Yaasiin Cabdi Seed oo kamid ah xubnaha ka tirsan xukuumada oo aad ugu dhow Madaxweyne Gaas ayaa waxaa cod bixin la qaadey shirkii golaha Wasiirada waxaa uu taageerey go’aankii Barlamanada Federaalka dalka ka mamnuuceen shirkada DP World. 

Seed ayaa wararku sheegayaan inuu go’aankaan ku raacey koox Wasiiro ah oo Madaxweyne ku xigeenka Puntland hogaaminayey kuwasoo sida la rumeysan yahay toos ugu xiran Villa Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada ayaa sheegaya in talaabadaan Madaxweyne Gaas aad uga caroodey.

Yaasiin Cabdi Seed oo horey uga tirsanaan jirey Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Gaas dabada ka riixayey in muddo ah sidii uu xil siyaasdeed ugu sameyn lahaa isagoo u magacaabey xubin aqalka sare ka tirsan balse dib loogala noqdey kadib markii qof dumar ah lagu badaley xubinimadiisa.

Gaas ayaa Seed u magacaabey Wasiiru dowle ka awood badan Wasiirka Waxbarshada Puntland talaabadaas oo muran ka dhalisay Wasaraada. Warsidaha Garowe Online oo wax ka qorey musuqmaasuqa saameeyey habsami u socodka shaqada Wasaarada Waxbarshada magacaabistaa kadib ayaa waxay sababtey in la badalo Agaasimaha. Halkaan Ka Akhri 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM