Weerar ka dhacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

LAASCAANOOD, Puntland - Sida uu sheegay Gudoomiyaha Puntland ugu magacaaban Gobolka Sool, Abuukar Geelle Cabdi, ciidamo gaarka ah ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaadey Saldhigyada ciidamadda Somaliland ay ku leeyihiin magaalada Laascaanood.

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in howlgalka military oo ay ka qayb-qaateen ciidamo badan ay kusoo furteen Maxaabiis maamulka Hargeysa "si sharci daro ah" ugu hayey labo saldhig oo ku yaalla magaalada..

"Howlgalka ay ciidamada Puntland ka fuliyeen xalay gudaha Magaalada Laascaanood oo bilowday 2:30 oo habeenimo, ayaa wuxuu socday illaa iyo 5:00 oo subaxnimo," ayuu yiri Abuukar Geelle.

Gudoomiyaha cod dheer ku sheegay inay howlgalka ay ku beegsadeen saldhigyada maxaabiista laga soo furtay, halkaasi oo dagaal khasaarihiisa uusan shaacin ay ciidamada difaaca Puntland kula galeen kuwa Somaliland.

"Howlgalkaan oo qeyb ka ah xorreynta gobolka Sool, waxaan kusoo furanay Maxaabiis badan. Waxaana u sheegeynaa ciidamada Somaliland inay isaga baxaan, oo ay naftooda u baqaan," ayuu ku daray.

Gudoomiyaha wuxuu ugu baaqay Shacabka reer Sool ee taabacsan maamulka Puntland inay ku garabsiiyaan ciidamada sidii gobolka iyo guud ahaan Magaalada looga saari lahaa Somaliland.

"Xorreynta kaliya kama bilaabaneyso Tukaraq, halkaan waan kasii wadaynaa, waxaana dooneynaa inaan Maleyshiyaadka Jeegaanka ka saarno gobolka," ayuu xusay Abuukar.

Marka laga soo tago sheegashadda Puntland, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo Somaliland kasoo baxay oo ku saabsan dagaalkaan la sheegay inuu ka dhacay gudaha Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ciidamada Puntland ay weerar ka fuliyaan gudaha Laacaanood tan iyo markii uu maamulka Hargeysa la wareegay, waxaana muuqata in labada dhinac ay iska indha-tireen baaqyadii nabadeed ee loo jeediyay.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa shalay ka sheegay furitaanka kalfadhiga 41aad ee Gollaha Wakilladda in Puntland ay Somaliland ka saari doonto guud ahaan deegaanada ay xoogga ku haysayo sida uu hadalka u dhigay. [Halkan ka akhri Warka]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iiraan oo dalbatay in lasoo celiyay xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya

Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka Iiraan.

  • Puntland

    21-05-2024

  • 01:27AM

Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo Aad Qaran loogu sameeyay Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay duugta marxuumka.

  • Puntland

    20-05-2024

  • 04:56PM