Xarumaha Ganacsiga Boosaaso oo maanta xiran

Image
Image
Image
Image
Image

BOSAASO, Puntland - Waxaa saaka xiran xaruumaha Ganacsiga magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari xilli uu taagan yahay Khilaaf u dhaxeeya dowladda Puntland iyo Gancsatada.

Wararka aan ka helayno Boosaaso ayaa sheegaya in albaabada loo xiray suuqyada ganacsiga ee magaalada, kadib markii ganacsatadu ay ka biya diideen lacag lagu kordhiyay khidmada Badeecooyinka kasoo daga Dekedda.

Ganacsatada ayaa sheegay inay ka cabanayaan lacagaha cusub ee lagu kordhiyay Khidmadaha iyo canshuurta, taasi oo ah mida keentay inuu saaka xirmo Ganacsiga magaalada.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa lagu arkayaa wadooyinka, iyagoo isha ku haya dhaq-dhaqaaqa dadka oo laga cabsi qabo inay hdigaan mudaharaad looga soo horjeedo go'aanka dowladda ee ku aadan khidmada Badeecadaha Dekedda.

Ganacsatada ayaa ku sugan afaafka hore iyo gudaha xarunta rugta ganacsiga ee ku taalla magaalada Boosaaso, waxayna ka arintasanayaan caqbadaha soo kordhay, kadib markii uu fashilmay wadahadalkii ay la lahaayeen ee socday mudooyinkii dambe.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Dekedda ay xiran tahay maalintii labaad, islamarkaana uu hakad uu ku jiro shaqadeeda, iyadoo doonyihii kuu xirnaa qaarkood ay dib ugu laabteen.

Wasaarada Dekedaha Puntland ayaa ka hadashay qiimaha cusub ee lagu soo kordhiyay khidmada badeecooyinka kasoo daga Dekedda. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM