AFRICOM oo fahfaahisay duqeyn Al-Shabaab lagula eegtay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska milatariga Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in duqeyn ay 17-kii bishaan May ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya ay ku dileen laba ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM oo uu arkay Garowe Online, weerarkan dhanka cirka ah ayaa ka dhacay degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaanka oo xaqiijiyey in howlgalka ay qeyb ka ahaayeen Ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ayaa meesha ka saarey waxyeelo soo gaarey rayid.

Balse, waxay hoosta ka xariiqeen in ay diyaar u yihiin baaritaan dhab ah, haddii ay soo baxaan sheegashooyin la xiriira geeri shacab.

Dhanka kale, taliska milatariga Soomaaliya ayaa wariyey in duqeynaas lagu laayey xubno ay ku jiraan saraakiil sar-sarre. Balse, ma aysan soo bandhigin magacyada iyo sawirada horjoogeyaasha.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Markii ay ku bateen eedeymaha ku saabsan waxyeeleynta dad shacab ah, xukuumadda Washington ayaa baahinta koowaad ee duqeymaha siisay Dowladda Soomaaliya si ay uga fogaanto mas'uuliyadda.

Bishii April ee sanadkan ayay ahayd markii ugu dambeysay oo Mareykanka uu duqeyn ka fuliyo koonfurta Soomaaliya. Sababta keentay hakadkaas waxaa lala xiriiriyey roobabka Gu'ga ee ka curtay wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM