Al-Shabaab oo laba qof ka qafaalatay bartamaha Soomaaliya

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lasoo wariyey in degaanka Burujeed ee gobolka Galgaduud ay barqnimadii Jimcada maanta ah ka afduubteen laba qof oo shacab ahaa.

Burujeed ayaa qiyaasyii 70 KM u jira magaaladda Guriceel. Sidda ay sheegeen dadka degaanka, laba ruux ee la qafaashay waa rag. Dagaalameyaal afka u duuban yahay ayaana ka watay tuulada.

Wallow aysan ahayn markii ugu horeysay, illaa iyo haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in la kaxeysto shaqsiyaadkaas.

Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa nan wali ka hadlin dhacdadan. Xiriiro lala sameeyay si wax looga waydiiyo waxay kala socdaan macluumaadka dadkaas kama jawaabin.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay laamaha ammaanka dardargeliyeen qorsheyaasha degaanka fog-fog ee Galmudug looga sifeynayo xoogaga ku xiran Al-Qaacidda.

Warar aan la xaqiijin ayaa kusoo waramaya in ragga la afduubtay lala xiriirinayo ciidamadda, halka warbixino kale ay soo jeedinayaan in loo haysto in ay diideen bixinta lacago ay kusoo rogeen xagjiriinta.

Al-Shabaab ayaa maamusha qaybo badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, inkastoo ay haatan socdaan dedaalo ujeedkoodu yahay siddii looga xoreyn lahaa meelaha ay haystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM