Al-Shabaab oo si naadir ah guddi ugu saartay la socodka Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa si naadir ah shaaca uga qaadey in ay guddi u saareen la socodka safmarka halista badan ee Coronavirus.

Bayaanka oo lagu sheegay in xanuunka "aanan wali lagu arkin" degaanada ay maamulan ayaa lagu xusay in xubnaha guddiga ay ka kooban yihiin todoba la qariyey magacyadooda.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogagaas gacansaarka la leh shabakadda ee Al-Qaacida ayaa waxay wariyeen in xubnaha guddiga ay "isugu jiraan dhakhaatiir, culimo iyo wax-garad".

Sidda looga dhawaajiyey qoraalka, magacaabida ayaa ka dambeysay kadib kulan ay yeesheen hogaanka sarre ee kooxda hubeysan iyo dad ka yimid Muqdisho, Jowhar iyo Kismaayo.

Magaalooyinkan ayaa kamid ah goobaha ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka xaqiijisay xaalado la xiriira Covid-19 oo kiisaskiisa laga helay dalka ay sii marayaan 1,219.

Ma cadda qaabka ay kooxda ku heli doonto mashiinka lagu ogaado xanuunkan dilaaga ah iyo dhamaan agabka muhiimka u ah ka hortaggiisa.

Covid-19 oo dunida oo dhan ku laayey in ka badan 264-kun oo ruux kuna dhacay 4.31 milyan oo ruux ayna ka bogsadeen 1.51 milyan kale ayaa kasoo bilowday bartamaha China, bishii December.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM