Al-Shabaab oo "u dabaaldegtay duulaankii DF ku qaadey Ahlu Sunna"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo kamid ah madaxda Ahlu Sunna ayaa ka dhawaajiyey in Al-Shabaab ay u dabaaldegtay weerarkii ay kala kulmeen Dowladda Soomaaliya.

Madaxii hore ee xukuumadda Galmudug ayaa ku adkeystay in xukuumadda federaalka ay degaanada Galmudug ku abuureyso maleeyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

"Waxaan ku caddeyneynaa fantisiyihii ay ka dhigeen Xarar-dheere iyo degaanada ay xukumaan markii ay dowladda federaalka ay caasimada Dhuusamareeb kula dagaalantay Ahlu Sunna Waljameeca oo ay kusoo duuleen," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey VOA-da.

Sidda uu xusay Shaakir, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa canshuur horleh kusoo rogay shacabka Galmudug wixii ka dambeeyay markii dowladda la wareegtay maamulkaas.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in ay intaas wehliso in ay bilaabeen cabsi-gelinta dadka iyo fulinta qaraxyo, falalkaas oo horey aan looga yaqiinin magaalada Dhuusamareeb.

Mr Shaakir ayaa intaas raaciyey in Al-Shabaabku ay xoolo ku qasheen Xarardheere iyo degaano kale kadib duulaankii ay Dowlada ku qaadey Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna ayaa dagaal adag oo dhimasho iyo dhaawac sababay la gashay mitidiita, kaas oo ay kala saareen qaybo kamid ah waddanka.

Dowlada federaalka ayuu sheegay in aysan u diyaar-saneyn in ay argagixisada ka xoreyso degaanada Galmudug iyo in ay isku keento dadweynaha si loo dhiso maamul oo dhan yahay.

Hadalka Shaakir ayaa kusoo aadaya xili dhowaan uu ka dhawaajiyey in aysan aqoonsaneyn hogaanka cusub ee Galmudug, si lamid ah, wuxuu beeniyey in ay la heshiiyeen xukuumada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM