António Guterres oo fariin u diray madaxweynaha dowlada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – António Guterres, xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay, ayaa ku dhiirageliyey madaxweynaha Soomaaliya in uu miiska wadaxaajoodka la fariisto madaxda maamulada dalka.

Sidda ku xusan khudbad la filayo in uu u jeediyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Guterres ayaa sheegay in ay sameeyeen dedaalo lagu xalinayo ismaandhaafka, balse wali aysan miradhalin.

"Ma jirto waqti dheeraad ah oo la lumiyo," ayuu ku qoran khudbadda, isagoo ku tartarsiiyey madaxda dowladda iyo maamuladda in ay soo magacaabaan wakiilo qaban-qaabiya kulan madaxeed ay yeeshaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Guterres ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in hogaamiyeyaasha ay diiradda saaraan arrimaha hor-tabinta u leh qaranka sidda doorashooyin waqtigooda ku dhaca iyo amniga.

Is-mari-waaga ka taagan sharciga doorashooyinka ayuu ku baaqay in lasoo gabagabeeyo; si lamid ah Xeerka Xisbiyadda Badan.

"Dhaqan-gelinta jadwalka doorashadu wuxuu sidoo kale u baahan yahay taageero uu ka helo dhamaan dowlad goboleedyadda, mucaaradka iyo ururadda bulshadda," ayuu hoosta ka xariiqay madaxa UN-ka.

Sidoo kale, wuxuu saluug iyo walaac xoogan ka muujiyey qoondada haweenka ee baarlamaanka oo xeerka doorashooyinku si cad uusan u qeexin.

Sugitaanka ammaanka doorashooyinka ayuu ku taliyey in uu noqdo mid si weyn loogu diyaar-garoobay si looga hortaggo falal nabad-gelyo xumo.

Ugu dambeyntii, wuxuu saamileyda iyo madaxda dowladda ugu baaqay in ay xaqiijiyaan doorka ka qeybgalka haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee doorashooinka si hanaanka loo marayo u helo sharciyad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM