Guterres oo shaaciyey mowqifkiisa ciidanka ay DF geysay Gedo

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay ciidamadda ay bishii Febraayo dowladda Soomaaliya ku daabushay gobolka Gedo, isagoo arrintaas ka muujiyey walaac aad u xoogan.

Antonio Guterres ayaa mowqifkiisa xaaladaha cakiran ee gobolkaas ku caddeynaya khudbad uu ka jeedin doono shirka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay taas oo nuqul kamida uu helay Garowe Online.

Guterres ayaa daboolka ka qaaday in daabulitaanka ciidamadaas ay "sababtay isku dhacyo iyo xaalado cakiran oo gobolka ka taagan".

"Waxaan aad uga walaacsanahay isku-dhacyadda hubeysan ee ciidamadda Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Gedo, kuwaas oo sababay khasaaraha iyo barakaca dad shacab ah," ayuu Guterres yiri.

Dhinacyadda ayuu ku booriyey in ay ka fogaan xaalad abuur kale si aysan u dhalan rabshado kale oo hubeysan, isagoo hogaanka Jubbaland iyo dowladda ku tartarsiiyey in ay ka shaqeeyaan sidii isu kaashan lahaayeen.

Dhanka kale, Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyay heshiisyaddii laga gaarey khilaafyaddii siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinkii ka kala dhacay Jubbaland iyo Galmudug, isagoo bogaadiyey madaxda.

Balse, wuxuu si kulul u cambaareeyay iska hor-imaadyaddii ka dhacay Dhuusamareeb ee dhexmaray ciidanka dowladda iyo Ahlu Sunna.

Ku dhowaad 28 qof oo isugu jiray dhinacyadda dagaalamay iyo dad kale oo shacab ahaa ayaa lagu waramay in ay ku dhinteen qulqulatooyinkaas.

Doorashooyinka maamuladda waddanka ayuu soo jeediyey in lagu qabto si nabad ah, isagoo saamileyda ugu baaqay in ay ka qeyb-qaataan arrintaas.

Ugu dambeyntii, dowladda federaalka ayuu ku waaniyey in ay xiriir dhow la yeelato dowlad goboleedyadda, wuxuuna walwal ka muujiyey talaabooyinka xiisad abuurka ah ee xukuumadda dhexe kula macaamisho maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM