Askar ka tirsan milatariga Soomaaliya oo qarax miino lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan sideed askari oo ka tirsan ciidamadda Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay ku dhinteen qarax miino oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka oo sidoo kale sababay dhaawaca saddex askari ayaa laga soo wariyey nawaaxiga degaanka Gololey ee waqoyga kaga aadan magaaladda Balcad, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin.

Falkaan lasoo wariyey galabnimadii Talaadada maanta ah ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Degaanka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa inta badan qaraxyadda miimooyinka lagula eegtaa mas'uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo milatariga oo geeri iyo waxyeelo badan ay kasoo gaarto.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan kooxihii miinadda ku aasay goobta, iyagoo rajeeyay in ay gacanta kusoo dhigaan.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in ciidamadda ay toogtaan ama ay qabtaan maleeyshiyaad Al-Shabaab ah oo miinooyin ku aasaya wadooyinka iyagoo u maleegaya saraakiil iyo askarta.

Hogaanka dowlad goboleedka HirShabelle ayaa lagu eedeeyay in uu ka gaabiyey wax ka qabashadda nabad-gelyadda oo sii xumaaneysa iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo "si muuqda aanan u socon".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM