Barlamanka HirShabelle oo dhagaysanaya Khudbadaha Murashaxiinta

Image

JOWHAR, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka HirShabelle, ayaa maanta billaabay dhageysiga Khudbadaha Murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulkaasi.

Murshaxiintan oo tiradoodu tahay 8 ayaa kahor jeedinaya Barlamanka Barjaamijyadooda Siyaasadeed, Taariikh nololeedkooda iyo wax-qabadkooda, hadii ay ku guuleystaan Kuriga Madaxtinimada.

Doorashada oo la filayo inay dhacdo Sabtida, 16-ka September, ayaa waxaa u taagan Murashaxiinta kala ah, Yusuf Hagar Daba-geed, Cabdi Faarax Laqanyo, Daahir Cabdulle, Maxamed Cabdi Waare, Cabdinasir Shirwac Maxamed, Maxamed Caruush, Cabdiraxmaan Xuseen Cadow, Cabdikarim Cali Nuur.

HirShabelle oo la aas-aasay dhamaadkii 2016, ayaa waxaa hareeyay khilaaf siyaasadeed iyo maamul xumo, maadaama maamulka lagu dhisay qaab deg-deg ah, oo dhalisay in beelaha ku dagaalaan awooda.

14-kii August, 2017, Xildhibaanada ayaa Kalsoonida kala laabtey Cali Cabdullaahi Cosoble oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay oo ay doorteen isagoo mudo ka yar 11 bilood oo shaqeynayay.

Cosoble iyo Siyaasiyiin kale, oo ku qabiil/beel ah aya waxay ka dhiseen Beledweyne maamul lagu magacaabo HiiraanLand, kaasi oo ay ku carqaladeynayaan maamulka HirShabelle.

Beesha Caalamka oo dhawaan War qoraal ah kasoo saartey dhisamaha HiiraanLand ayaa ka digtay in la burburiyo Maamulka HirShabelle, waxayna ugu baaqdey Siyaasiyiin ku shiraya Beledweyne inay joojiyaan qalaan-qalka siyaasadeed ee ay wadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM