Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Image

MUQDISHO – Xildhibaan Cali Isxaaq Subag oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saaray eedaymo culus oo ka dhan ah madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay in kursigiisii xildhibaanimo si xoog iyo sharci-darro ah looga qaatay.

Xildhibaan Subag ayaa caddeeyay in tallaabadan ay tahay mid baal-marsan sharciga, isagoo xusay inuusan jirin wax dembi ah oo lagu eedeeyay, uuna si caadi ah u qabsanayay waajibaadkiisa shaqo.

"Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga, ayaa kursigayga xildhibaanimo si xoog iyo sharci-darro ah la iiga qaatay. Madaxweynaha ayaa saaxiibkiis siiyay kursigii," ayuu yiri Xildhibaan Cali Isxaaq Subag.

Xildhibaan Cali Isaaq ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa wejiga dhabta ah ee doorashada uu qorsheynayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna digniin u diray muwaadiniinta doonaya inay u tartamaan kuraasta baarlamaanka mustaqbalka.

"Tani waxay muujinaysaa nooca doorashada uu rabo Xasan Sheekh inay dalka ka dhacdo. Waxayna digniin u tahay dadka raba inay kursi xildhibaan u tartamaan, maadaama anigoo nool kursigaygii la iga xoogay," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Eedaymahan ayaa kusoo aadaya xilli uu dalku ku jiro xaalad kala guur ah iyo doodaha la xiriira hannaanka doorashooyinka ee "Qof iyo Cod" ee dowladda federaalku horumarinayso, taas oo ay mucaaradku walaac badan ka muujiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM