Caqabad soo wajahdey in guddiga doorashooyinka hortago BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dib-u-dhac ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ku yimid waqtigii la filayey in Guddiga doorashooyinka heer Qaranka uu hortaggo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Bishan May 27-deeda ayaa qorshuhu ahaa in gudoomiyaha guddiga Xaliima Yarey ay xeer-dejinta siiso warbixin la xiriirta doorashooyinka 2020-21, balse lama ogga sababta keentay baaqashada soo ifbaxday.

Warbixintooda ayaa ku quseysa nooca doorashooyinka, xilliga ay dhaceyso iyo qaabka Guddiga ugu diyaar garoobay coddeynta muhiimka ah.

Sidoo kale, guddiga dhameystirka Sharciga Doorashooyinka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ay soo kala magacaabeen ayaa waxaa maalintaas jadwalka ku qoran in ay warbixin siiyaan labada aqal.

Guddiga joogtada ee labada aqal ee baarlamaanka ayaa maanta oo Isniin ah kulan uu ku yeeshay Villa Hargeysa ku shaaciyay in kal-fadhiga 7aad uu si rasmi ah u furmi doono 6-da June 2020.

Kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka 10aad oo muddo xileedkiisu sii dhamaanayo waxaa horyaala arrimo masiiri ah oo ay ugu horeyso doorashooyinka, waxaana isha ku haya shacabka iyo caalamka.

Qaabka ay sharci-dejiyeyaasha u maareeyaan mar-xaladda kala guurka ah ayaa kamid ah waxyaabaha natiijadooda la sugayo.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre isku qabteen khudbada Xaliimo Yareey, gaar ahaan in ay ku adkeysato qabashada doorasho qof iyo cod.

Doorashada qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda dhamaadka sanadkan ayaa waxaa la geliyey calaamad su'aal maadaama uusan jirin diyaar-garow buuran iyo amni dari ay sabab u tahay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM