Coronavirus oo la tuhunsan yahay in uu galay xabsiga dhexe ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa wajahaya xaalad cabsi ah kadib markii maxaabiis ku jirta laga qaadey dheecaano looga baarayo Covid-19 markii la tuhmay in ay qaadeen fayruska Corona.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacadda maanta ah sheegtay in saacadaha soo aadan ay ku dhawaaqeyso natiijada maxaabiistaas.

Maxamed Saciid Cabdullaahi, wasiir ku xigeenka wasaaradaas oo booqdey jeelka, ayaa xaqiijiyey in maxaabiista la baarey ay tiradoodu gaareyso illaa iyo 10 ruux.

"Haddey dhacdo [in xabsiga laga helo cudurka] waxaa na saarmaya waajib ah in Wasaaraa iyo Bahda caafimaadka oo dhan ay qeyb weyn ka qaadato baxnaaninta iyo u dhib-yareynta dadka meesha ku nool," ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Mr Maxamed ayaanan meesha ka saarin in talaabooyinka xiga oo ay qaadi karaan ay noqon karto qalabeynta Isbitaalka Xabsiga Dhexe si loogu daaweeyo bukaanada uu soo rito.

"Ama haddey noqoto in aan hirgelino isbitaalo kale oo lagu daaweeyo waxaan arrimahaas kala hadalnay hogaanka Ciidanka Asluubta," ayuu raaciyey, isagoo rajeeyay in uusan jeelka ku faafin caabuqa dilaaga ah.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan laga diiwaan-geliyey 1,170 kiisas oo ah xanuunkaas khatarta badan kaasoo galaaftay nolosha 52 ruux ayna ka badbaadeen in ka badan 120 kale, guud ahaan dalka.

Xabsiyadda iyo xarumaha barakacyaasha ayaa kamid ah meelaha ay sahlan tahay in uu dad badan ku haleelo cudurka. Sidda ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, sababta waa nadaafad la'aanta baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM