Daahfurka bixinta shatiyada shidaal baarista Soomaaliya oo la dhaliilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qorshaha ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku daahfurtay wareegga koowaad ee bixinta shatadiyadda shidaal baarista todobada balook ayaa durba la kulmay mucaaridid.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sarre ee xeer-dejinta dalka ayaa aaminsan in daahfurka lagu soo beegmay "waqti aan munaasab ahayn".

Ilyaas Cali Xasan, oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshadda, ayaa rumeysan "in arrintaan ay tusaale u tahay qorshe xumada xukuumadda".

"Iib-geynta Shidaalka Somalia xiligaan oo uu aduunku maraayo qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata iyo aduunyada oo la daalaa dhaceyso dhibatada Coronavirus ka waxay tusaale u tahay qorshe xumada iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xiligaan adag!," ayuu yiri Ilyaas oo sidoo kale ah xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga Himilo Qaran.

Todobada xirmo ee wareega koowaad la bixinayo shatiyadooda ayaa ku kala yaala maamulada; Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sidda ay ka dhawaajisay Wasaaradda Batroolka.

In ka badan 130 maalgashato oo caalami ah ayaa lagu waramay in ay ka qeybgalayaan wareegaan oo soconaya illaa iyo bisha Maaj ee sanadka 2021.

Xog uruurintii ugu dambeysay ee la sameeyay waxaa si horudhac ah loogu soo bandhigay in Soomaaliya ay haysato 15 xirmooyin shidaal oo ay ku jiraan 30 bilyan oo fuusto oo shidaal oo ah ceyriin ah.

Xukuumadda ayaa lagu dhaliilay in aysan ka talagelin saamileyda qorsheyaasha la xiriira kheyraadka dalka. Qaar kamid ah maamuladda oo qaadacay Sharciga Batroolka waxay digniin u direen shirkadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM