Dabley nin ganacsade ahaa ku toogatay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxo hubeysan oo heybtooda aan la aqoonsan ayaa lagu waramay in xalay ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku dileen nin la sheegay in uu ahaa ganacsade.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan, toogashadda ayaa ka dhacday nawaaxiga Isbitaalka Caawa Cabdi ee isgoyska Banaadir.

Marxuumka oo ka ganacsan jiray iibka gaadiidka ayaa magaciisa lagu tilmaamay Cali Barqadle isla markaana uu ku dhintay goobta.

Goobjoogeyaasha ayaa intaas ku daray in gacan ku dhiigleyaashii geystay falkaas ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen.

Ma jiro wax war ah oo laamaha ammaanka dowladda federaalka ay illaa iyo haatan kasoo saareen dhacdadaan oo aan ahayn tii ugu horeysay.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa inta badan dusha saarta falalka noocaan ah ee ka dhaca magaala madaxda waddanka.

Dilalka noocaan ah ayaa ku badan koonfurta Soomaaliya marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana kooxaha argagixisada ah ay kordhiyaan falalkooda liddiga ku ah nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM