Dad badan oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan tobban ruux ayaa ku naf-weysay, tirro kalana way ku dhaawacmeen kadib shil gaari oo xalay ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, shilka wuxuu yimid kadib markii gaari xamuul ah uu dardaray dhowr mooto oo nooca Bajaajta ahaa.

Mustaf Cali Kheyre, gudoomiyaha degmadda Howlwadaag, ayaa shaaca ka qaadey in ay kordhi karaan khasaaraha dhimashadda iyo dhaawac "maadaama aanan wali tirakoob laga sameynin Isbitaaladda".

"Sidoo kale, khasaaro maaliyadeed ayaa jira oo soo gaaray hanti ay leeyihiin muwaadiiin Soomaaiyeed," ayuu Khayre hadalkiisa raaciyey.

Warbixinada ayaa waxay intaas ku darayaan in dadka ku geeriyooday mashaqadan ay u badan yihiin darawada Mootooyinka Bajaajta.

Gaariga ku lug-yeeshay dhacdadaan ayaa lagu waramay in uu soo fariin-goostay isla markaana uu ka yimid dhanka Suuqa Bakaaraha.

"Ma cadda hadii dadka dhintay uu kamid yahay darawalka gaariga ama in uu nool yahay lana qabtay, balse jawiga meesha ay wax ka dhaceen ma qurux badneyn," ayuu yiri goobjooge la hadlay Garowe Online.

Wadooyinka Muqdisho waxaa isugu darsamay burbur iyo mashquul badan, waxaana la aaminsan yahay in ay kamid tahay arrimaha sahlaya shilalka gaariga iyo waxyeeladda badan ee dadka rayidka ah kasoo gaara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM