DF oo "abaabushay" jabhad carqalad gelisa doorashooyinka 2020-21

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo "ka abaabushay" jabhad abuurta carqalado saameeya doorashooyinka 2020-21, sidda uu shaaciyey dowlad goboleedka Jubaland.

Maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa arrintaan kaga dhawaajiyey war-saxaafadeed luuqad adag ku qoran oo ka kooban laba bog.

Qoraalkaas ayaa kasoo baxay shir deg-deg ah oo ay yeesheen madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo wasiirka amniga ismaamulka oo ka dhacay Beledxaawo.

Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka soo aadan oo qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod waxaa shaki geliyey geedi u socodka "halka dhinac ah" oo ay waddaan hogaanka federaalka.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online ayaa walaac looga muujiyey faragelinta iyo ciidamadda Villa Soomaaliya ku daad gureysay gobolka Gedo, halkaasoo "xasarado ka abuurayaan".

Warqadda ayaa lagu beeniyey in Kenya ay faragelin amni iyo mid siyaasadeed ku hayso Jubaland. Madaxweyne Farmaajo ayaa warkaas ka dhawaajiyey.

Askarta oo "cabsi gelin iyo hanjabaad ku haya dhaqanka iyo saxaaafda" ayaa la tilmaamay in ay ku lug-yeesheen falal dhaliyey geerida askar Soomaaliyeed iyo dad kale oo shacab ah.

Saamileyda siyaasadda iyo Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in ay soo farageliyaan talaabooyinka baalmarsan sharciga iyo dastuurka qabyadda ah oo ay Nabad iyo Nolol kawado gobolka Gedo.

Hadalka Jubaland ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya ay shalay shaaciyeen in qalab ay dowladda Qadar bixisay loo adeegsanayo qalalaasaha ay dowladdu ka wado gobolka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM