Guddi beeniyey hadal kasoo yeeray Dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay "ku guuldareystay" in ay bixiso lacagtii ay balanqaadey kadib fatahaadihii bishii October, sanadkii 2019-kii ku dhuftay magaaladda Beledwayne.

Xaaji Cismaan Dhagaxow, gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne, ayaa sheegay in sidoo kale aysan soo gaarin deeqdii Jabuuti.

Xukuumadda Muqdisho ayaa ku dhawaaqdey 500-kun oo Doolar oo ay ku tabaruceyso dadweynaha xarunta gobolka Hiiraan, halka Jamhuuriyada Jabuuti ay sheegtay in ay bixineyso aduun dhan 600-kun oo Doolar.

"Waxaan idaacadaha ka maqalnay mooyee, wax nasoo gaarey haba yaraatee ma jiraan," ayuu hadalkiisu ku daray Xaaji Dhagaxow, isagoo is-waydiiyey haddii la lunsaday.

Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo beegmay xilli ay haatan socdaan dedaalo la doonayo in looga baaqsado saameyn kale oo Beledwayne kasoo gaarta fatahaad uu sameeyo Webiga Shabelle.

Iyaddoo ay soo if-baxday in dowladdu aysan wali bixin lacagtii ay horey u yaboohdey, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Canshuur Xasan, ayaa isku dayey in uu marin-habaabiyo dedaalada socda.

Isagoo qayb ka ah guddi tegay Beledwayne, wasiirka ayaa "si been abuur ah" u sheegay in dowladda, maamulka HirShabelle iyo kan gobolka ay bixinayaan qarashka ku baxaya dedaaladdaas.

Inkastoo uu carabka ku dhuftay kaalinta ganacsatadda, haddana sumcadda guud ahaan qorshaha socda ayuu dusha u saariyey xukuumadiisa.

Hase ahaatee Dhagaxow ayaa qashinka ku daray sheegashadda wasiirka, marka laga reebo 500 oo jawaannada ciidda lagu shubo ah oo shalay ay dowladdu diyaarad ku gaysay magaaladda Beledweyne.

"Wax naga soo gaarey dowlad xageeda [ma jirto]…lacagta ay balanqaadey ayaa laga la'yahay, wax-qabad kale oo ay ku dareen oo aan ka ahayn shantaas boqol ee [jawaanadda ah] ma jirto, taasaa ku caddeynayaan," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da.

Qarashka ku baxaya howsha socota ayuu ka dhawaajiyey ay ka timid ganacsatada iyo kaalmadii sanadkii hore ay ka heleen Puntland, Jubaland, Somaliland, Kilinka Shanaad, Jaaliyadda Nairobi iyo dad kale.

Sidoo kale, wuxuu waxba kama jiraan ku sifeeyay hadal kasoo yeeray wasiirka oo ahaa in dowladdu ay qalab loogu talagalay in ay xoojiyaan dedaaalada looga hortagayo daadka ay ka dejisay Beledwayne.

Sikastaba, dowladda Farmaajo oo horey uga gaabisay mashruuc Talyaaniga maalin lahaa oo biyo-xireen looga hirgelin lahaa Beledwayne ayaa u muuqaneysa mid isugu dareysa magaaladda "wax-qabad la'aan iyo been abuur".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM