DF oo laga dalbaday in ay dirto guddi sameeya baaris ka dhan ah Waare

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaas, Maxamed Cabdi Waare, in uu si shaqsi ah u isticmaalay gurmadkii loogu deeqay Beledwayne.

Mudaneyaasha ayaa intaas ku daray in Waare uu diidey in wax laga waydiiyo halka ay ku baxday lacagtaas iyo haddii uu gacanta ku hayo.

Aadan Kala-dire, oo kamid ah sharci-dejiyeyaasha, ayaa dowladda federaalka ah ka codsaday in ay dirto guddi baaritaan ku sameeya lacagtaas.

"Annagoo koox Xildhibaano ah ayaan u tagnay madaxweynaha, jawaab waafi ah wuu naga siin waayey, nasiib darro waaye taasina," ayuu xusay.

Xilli uu xukuumadda federaalka ka dalbaday in ay dhageysato baaqooda, Aadan ayaa tibaaxay "in musuqmaasuq baahsan uu ka jiro HirShabelle".

Bishaan May 10-keeda ayay ahayd markii Waare uu baraha bulshadda kusoo qoray in ay soo gaartay in ka badan hal milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah, taas oo ka kala timid dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

"Waxaa maanta 10/5/2020 naga soo gaaray Dawladda Federalka Soomaaliya; $600,000, Dawladda Jabuuti Hiil Walaal; $42,000 Guddiga Gargaarka Heer Qaran oo loogu talogalay fatahaadda. Shukran @M_Farmaajo @HassanAKhaire @IsmailOguelleh," ayuu tibaaxay.

Shaacinta Waare ayaa timid maalmo kadib markii guddi ku howlan siddii looga hortagi lahaa fatahaad mar kale ka dhacda Beledwayne uu qiray in dedaalada ay wadaan aysan wax lug ah ku lahayn dowladda iyo maamulka.

Tani ayaa dhalisay dhaliilo loo jeediyay dowladda iyo maamulka HirShabelle oo ahaa in aysan bixin lacagta gurmadka ahayd iyo in ay ka gaabiyeen maalgelinta dedaalo looga hortagayo dadaad mar kale ku dhufta Beledwayne.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah wadamada caalamka ee ay ka jiraan musuqmaasuqa ugu balaaran isla markaana mas'uuliyiinta qaarkood ay isticmaalaan dhaqaalaha loogu talagalay in ay shacabka ugu adeegaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM