DF oo muddeysay xilliga go'aan laga soo saaro Imtixaanka Shahaadiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Waxbarashadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 30-ka bisha June ee sanadkan 2020 ay go'aan kasoo saari doonto Imtixaanaadka Shahaadiga.

Iyaddoo go'aanka lagu saleyn doono xaalada safmarka dilaaga ah ee Coronvirus ee gudaha wadanka, Imtixaanada ayaa waxay kala yihiin; fasalada 12aad ee dugsiga sarre iyo fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe.

Shaacinta waqtiga uu soo baxayo go'aanka la xiriira Imtixaanka Shahaadiga waxaa isku raacay Wasiirada Waxbarashada; Jubaland, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, gobolka Banaadir iyo federaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulan ay Talaadada maanta ah ku yeesheen isgaarsiinta fogaan araga ah ayaa arrintaan lagu shaaciyey.

Warka qoraalka ah ayaa lagu xusay in xukuumada federaalka ay diyaarineyso Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12aad ee dugsiga Sarre, halka maamulada la siiyey diyaarinta fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe.

Dastuurka ku meelgaarka ah Soomaaliya ayaa xeerinaya in dowladaha xubinta ka ah federaalka ay si gaar ah u maamulan karaan arrimo ay kamid tahay Imtixaanka, iyagoo taageero ka helaya xukuumada.

Puntland ayaa ah meesha kaliya ee qodobkaas uu ka dhaqan-galo, waxaana dowladda federaalka Soomaaliya lagu eedeeyay in ay xusul-duub ugu jirto siddii ay gebi ahaanba qodobkaas meesha uga saari lahayd.

QORAALKA KULANKA


GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM