Diyaarad siday gargaar oo lagu rasaaseeyay degmada Qansaxdheere

Image

QANSAXDHEERE, Soomaaliya - Diyaarad siday gargaar ayaa maanta duhurnimadii lagu rasaaseeyay degmada Qansaxdheere, ee gobolka Baay xilli Bishan horraanteedii diyaarad lagu soo riday Bardaale.

Saraakiisha maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay ku dhacady dhowr xabo oo rasaas laga riday qoryaha fudud, xilli ay ka degaysay garoonka, halkaasi oo ay geysay gargaar isagu jira dawooyin iyo naqo loogu talo-galay haweenka iyo caruurta.

Ma jirto cid wax ku noqotay rasaasta lagu dhuftay diyaaradda, waxaana mas'uuliyiinta degmada Qansaxdheere ay ku eedeeyeen weerarka kooxda Al-Shabaab, oo ku xooggan tuulooyinka ku yaalla duleedka degmada.

Diyaaradda ayaa saacado kadib kasoo duushay garoonka Qansaxdheere, waxayna kusoo laabatay magaalada Muqdisho oo markii hore ka duushay, iyadoo u kireysan mid kamida hay'adaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya.

Lix ruux ayaa ku dhimatay diyaarad ay lahayd shirkadda Africa Express oo lagu soo riday duleedka Bardaale horaantii bishan, waxaana dawladda Itoobiya qirtay inay ciidamadeeda ku sugan degaanka ay toogteen diyaaradda xili ay degaysay.

Muwaadiniin Kenyan ah ayaa kamid ahaa shaqaalaha la socday diyaaradda oo shilka ku dhintay. Guddi isku dhaf ah ayaa baaritaan ku wada dhacdadaas oo ciidamada Itoobiya ay qirteen in ay ka dambeeyeen.

Ciidamadda Itoobiyaanka ah ee soo ridday diyaaradda laga leeyahay Kenya ayaanan kamid ahayn howlgalka AMISOM. Si lamid ah, diyaaradda lagu rasaaseeyay Qansax-dheere waxaa laga leeyahay isla Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM