Soomaali iyo ajaaniib ku dhimatay diyaarad kusoo dhacday Soomaaliya

Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Diyaarad nooca xamuulka ah ayaa lagu waramay in Isniinta maanta ah ay "ku burburtay" nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Baay, koonfurta Soomaaliya.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in diyaaradaha ay leedahay African Express isla markaana ay tahay nooca loogu talagalay in ay qaado 30-ka qof, balse waxaa saarnaa lix ruux.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta dhabta ah ee keentay shilkaan, balse warbixino horudhac ah waxay la xiriirinayaan "cilad farsamo". Balse waxaa jirta baahi loo qabo baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyo shilka.

Mas'uuliyiin ka tirsan shirkada African Express ayaa u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da in ay gargaar geynayeen magaaladda Bardaale, isla markaana ay daqiiqado kusoo hakadeen magaaladda Baydhabo.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ay "koox khuburo ah" u direyso madaarka si ay qiimeyn iyo indha-indheyn ugu sameeyaan meesha ay wax ka dhaceen.

Xasan Xuseen, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegay in dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda oo kamid ah ay yihiin Soomaali ay ku geeriyoodeen dhacdadaas.

Tani ayaa ka dhigan in shilkaan dadka ku geeriyooday ay isugu jiraan Soomaali iyo ajaaniib. Shisheeyaha waxay u badan tahay in ay yihiin duuliyeyaasha iyo shaqaalaha diyaaradda.

Inta badan shilalka diyaaradaha ayaa sababta keenta waxaa la ogaadaa marka la helo sanduuqa madow, kaas keydiya dhamaan macluumaadka ku geedaaman diyaaradda inta ay hawada ku jirto laga bilaabo markay duusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM