Dowladda Soomaaliya oo shaacisay 81 kiis cusub oo ah Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 81 kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa sheegtay in bukaanada ay 44 kamid ah joogaan Muqdisho, 24-na Jubaland, lix degaanadda Puntland, 5 Somaliland iyo laba HirShabelle ah.

Sidda ay xustay Fowziya oo galabta wariyeyaasha kula hadashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, konton [50] kamid ah waa rag [Lab], halka 31-da kale ay yihiin dumar [Dhedig].

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee xaaladaha caabuqan ee waddanka ay gaartay 1,170. Fowziya waxay qirtay in sarre u kac intaan la eg aysan filaneyn dowladda federaalka ah.

Ma jirto dhimasho cusub oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyey dalka. "Waa alle mahadii," ayay Fowziya raacisay, iyaddoo rajeysay in ay sii yaraato khatarta cudurka ee dalka.

Tiradda guud ee dadka uu xanuunka ku galaaftay waddanka ayaa ku taagan 52, wallow ay jiraan sheegashooyin tilmaamaya in tiradda ay intaas ka badan tahay maadaama ay korortay geerida.

Fowziya ayaa tibaaxday in saacadihii lasoo dhaafay ay bogsadeen 5, kuwaas oo wadarta ka dhigaya 126. "Waxaan rajeyneynaa in ay caafimaadaan bukaanada kale," ayay hadalkeeda ku dartay wasiirada.

Kororka kiisaska Covid-19 ee dalka ayaa muuqaneysa in uu si xowli ah ku socdo, tani waxay hoos u dhigeysaa rajada laga qabo in dhowaan la qaado dhamaan xayiraadaha lasoo rogay sidda duulimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM