Dowladda Soomaaliya oo shaacisay 81 kiis cusub oo ah Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 81 kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa sheegtay in bukaanada ay 44 kamid ah joogaan Muqdisho, 24-na Jubaland, lix degaanadda Puntland, 5 Somaliland iyo laba HirShabelle ah.

Sidda ay xustay Fowziya oo galabta wariyeyaasha kula hadashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, konton [50] kamid ah waa rag [Lab], halka 31-da kale ay yihiin dumar [Dhedig].

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee xaaladaha caabuqan ee waddanka ay gaartay 1,170. Fowziya waxay qirtay in sarre u kac intaan la eg aysan filaneyn dowladda federaalka ah.

Ma jirto dhimasho cusub oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyey dalka. "Waa alle mahadii," ayay Fowziya raacisay, iyaddoo rajeysay in ay sii yaraato khatarta cudurka ee dalka.

Tiradda guud ee dadka uu xanuunka ku galaaftay waddanka ayaa ku taagan 52, wallow ay jiraan sheegashooyin tilmaamaya in tiradda ay intaas ka badan tahay maadaama ay korortay geerida.

Fowziya ayaa tibaaxday in saacadihii lasoo dhaafay ay bogsadeen 5, kuwaas oo wadarta ka dhigaya 126. "Waxaan rajeyneynaa in ay caafimaadaan bukaanada kale," ayay hadalkeeda ku dartay wasiirada.

Kororka kiisaska Covid-19 ee dalka ayaa muuqaneysa in uu si xowli ah ku socdo, tani waxay hoos u dhigeysaa rajada laga qabo in dhowaan la qaado dhamaan xayiraadaha lasoo rogay sidda duulimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM