Dowladda Soomaaliya oo soo warisay kiisas cusub oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhow sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 21 xaalado cusub oo ah safmarka Covid-19.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta guud ee kiisaska caabuqa dilaaga ah ee guud ahaan waddanka ay noqoneyso 1,594.

Sidda ku xusan warbixin wasaarada, 14 kamid ah bukaanadda cusub waa Dhedig rag, halka ay Lab ama dumar yihiin todobada kale.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa tibaaxdey in saacadihii lasoo dhaafay aysan soo kordhin dhimasho cusub oo cudurku sababay.

Tiradda geerida ka dhalatay xanuunkaan sidda fudud u faafa ee gebi ahaanba dalka ayaa waxay wali ku taagan yahay 61 marxuum.

Nasiib wanaag, waxaa afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay caafimaadey 16 bukaan, kuwaas oo badankooda ku sugan Muqdisho.

Bukaanadda xanuunka ka bogsaday ayaa mareysa 204, waxaana maalmihii lasoo dhaafay sarre u kac laga dareemayaa dadka ka kacaya.

Sikastaba ha ahaatee, 21-ka bukaan ee laga helay fayruska 24-kii saac ee lasoo dhaafay guud ahaan Soomaaliya ayaa laga soo kala wariyey 19 oo gobolka Banaadir ama Muqdisho ku sugan iyo laba Puntland ah.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM