Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay dad horleh oo uu soo ritay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kiisaska safmarka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaarey 1,502 kadib markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan-geliyey 47 xaalado cusub, sidda ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka.

Bukaanada cusub ayaa 19 kamid ah waxay joogaan Puntland, 13-na gobolka Banaadir, sideed-na Somaliland, iyo todoba Koonfur Galbeed ah.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa shaaca ka qaadey in sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay ay dhinteen laba bukaan. Marxuumiinta waxay ku kala geeriyoodeen Muqdisho iyo Somaliland.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta dadka uu galaaftay xanuunka guud ahaan waddanka ay gaartay 59, inkasta oo ay Muqdisho safka hore ku jirto.

Intii uu socday shirka jaraa'id ee galab-laha ah, Fowziya ayaa carabka ku dhufatay in 15 bukaan ay cudurka ka caafimaadeen tan iyo shalay.

Tirada guud ee shaqsiyaadka uu haleelay balse ka bogsaday caabuqa sidda fudud u faafa ayaa illaa iyo hadda waxay sii mareysaa 178 qof.

Sikastaba, Soomaaliya ayaa hogaamineysa wadamada Geeska Afrika ee sida ba'an uu dadka ugu dhacay Covid19 oo dunida oo dhan ay haatan ku mashquulsan tahay siddii daawo rasmi ah ama talaal loogu heli lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM