Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay dad horleh oo uu soo ritay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kiisaska safmarka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaarey 1,502 kadib markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan-geliyey 47 xaalado cusub, sidda ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka.

Bukaanada cusub ayaa 19 kamid ah waxay joogaan Puntland, 13-na gobolka Banaadir, sideed-na Somaliland, iyo todoba Koonfur Galbeed ah.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa shaaca ka qaadey in sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay ay dhinteen laba bukaan. Marxuumiinta waxay ku kala geeriyoodeen Muqdisho iyo Somaliland.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta dadka uu galaaftay xanuunka guud ahaan waddanka ay gaartay 59, inkasta oo ay Muqdisho safka hore ku jirto.

Intii uu socday shirka jaraa'id ee galab-laha ah, Fowziya ayaa carabka ku dhufatay in 15 bukaan ay cudurka ka caafimaadeen tan iyo shalay.

Tirada guud ee shaqsiyaadka uu haleelay balse ka bogsaday caabuqa sidda fudud u faafa ayaa illaa iyo hadda waxay sii mareysaa 178 qof.

Sikastaba, Soomaaliya ayaa hogaamineysa wadamada Geeska Afrika ee sida ba'an uu dadka ugu dhacay Covid19 oo dunida oo dhan ay haatan ku mashquulsan tahay siddii daawo rasmi ah ama talaal loogu heli lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM

Fiqi oo ka hadlay weerarkii Trump ku qaadey Ilhan Omar

Trump wuxuu bartiisa Truth Social ku qoray: “Soomaaliya waa mid mar walba ka mid ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:03AM