Farmaajo iyo Uhuru oo is-afgarad ka gaarey baarista shilka diyaarada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah ee Kenya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee The Standard, ayaa wuxuu la xiriiriyey dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Wadahadaladooda ayaa ku saabsanaa diyaaradii shalay la sheegay in ciidamadda Itoobiya ay kusoo rideen magaalada Bardaale, gobolka Baay ee hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Farmaajo ayaa u muujiyey Uhuru sidda uu uga xun-yahay dhimashadda iyo burburka maaliyadeed, wuuna ka tacsiyeeyay.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa wuxuu ku casuumay in ay la shaqeeyaan Maamulka Duulimaadka Hawada Soomaaliya "si baaritaanka loogu dhameystiro sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan".

Kenyatta, oo ogolaadey martiqaadka, ayaa mar sii horeysay isugu dabariday koox bilowday baarista shilkaas diyaaradeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo sheegtay in Uhuru Kenyatta uu soo dhaweeyay soo jeedinta Farmaajo ayaa xaqiijisay in baaritaanka uu noqon doono mid wadajir ah.

Is-afgaradkan horudhac ah ayaa soo afjaraya is-mari-waa ka taagnaa in baareyaal Kenyan ah ay tagaan goobta ay diyaaradu kusoo dhacday, halkaas oo maanta ay tageen khuburo ka socda Dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furitaanka Baarlamaanka oo Dib u Dhacay Xili ay Taagan Yihiin Muran Siyaasadeed iyo Khilaaf Doorasho

Xamse ayaa meesha ka saaray in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo sheegay in uu weli xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    20-09-2025

  • 02:01PM

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM