Farmaajo iyo Uhuru oo is-afgarad ka gaarey baarista shilka diyaarada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah ee Kenya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee The Standard, ayaa wuxuu la xiriiriyey dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Wadahadaladooda ayaa ku saabsanaa diyaaradii shalay la sheegay in ciidamadda Itoobiya ay kusoo rideen magaalada Bardaale, gobolka Baay ee hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Farmaajo ayaa u muujiyey Uhuru sidda uu uga xun-yahay dhimashadda iyo burburka maaliyadeed, wuuna ka tacsiyeeyay.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa wuxuu ku casuumay in ay la shaqeeyaan Maamulka Duulimaadka Hawada Soomaaliya "si baaritaanka loogu dhameystiro sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan".

Kenyatta, oo ogolaadey martiqaadka, ayaa mar sii horeysay isugu dabariday koox bilowday baarista shilkaas diyaaradeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo sheegtay in Uhuru Kenyatta uu soo dhaweeyay soo jeedinta Farmaajo ayaa xaqiijisay in baaritaanka uu noqon doono mid wadajir ah.

Is-afgaradkan horudhac ah ayaa soo afjaraya is-mari-waa ka taagnaa in baareyaal Kenyan ah ay tagaan goobta ay diyaaradu kusoo dhacday, halkaas oo maanta ay tageen khuburo ka socda Dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM