Farmaajo oo lagu booriyey "in uu saxo" hadal uu jeediyey oo dood dhaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dood xoogan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd mashruuca Baxbaano oo loogu gargaarayo dadka danyarta yar isla markaana uu dhowaan furay madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Muranka ugu xoogan oo baraha bulshadda ka taagan ayaa ku saabsan cidda maalgelisay, maadaama Villa Soomaaliya ay sheegatay.

Hadalheynta waxaa soo afjaray Carlos Felipe Jaramillo, Madaxa Baanka Aduunka ee Soomaaliya, kaasoo dhinac u diray is-qabqabsiga.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku caddeeyay in ay Baanka Aduunka uu bixinayo dhamaan lacagta ku baxeysa mashruucaas.

Dowladda Federaalka ayuu kaga mahadceliyey isla markaana uu ugu hambaleeyay in ay daahfurtay mashruuca, taas oo kusoo aadey iyaddoo ay soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalka "in uu saxo" hadalkii uu horey uga yiri mashruuca.

Farmaajo ayaa horey uga dhawaajiyey in dowladdiisu ay bixineyso qarashka, taas oo u muuqata in ay tahay waxba kama jiraan.

"Haddaba waxaan Madaxweynaha u soo jeedinayaa in uu isi saxo, cadeeyaana cida bixisay mashruuca Baxnaano, si uu uga eed la’aado suuragalnimada danbi loo raacdo, maadaama uu sheegay in uu qaybinayo lacag aan miisaaniyada dawlada ku jirin," ayuu wasiirkii hore ee Qorsheynta yiri.

Sikastaba, madaxda xukuumadda Soomaaliya ayaa inta badan lagu dhaleeceeyaa in aysan xaqiiqada ka sheegin talooyinka ay qaadayaan, taas oo la tilmaamay in ay hoos u dhigeyso kalsoonida muwaadiniinta gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM