Farmaajo oo qalabeynta Martiini "ka doorbiday" dayactirka sawirkiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa aad looga diganayaa Baraha Bulshadda kadib markii ay si deg-deg ah ku maalgelisay dayactirka sawirkii la gubay ee Farmaajo xili Isbitaal Martiini uu dayac ka jiro.

Sawirka Farmaajo waxaa dhowaan dab-qabad-siiyey banaanbaxayaal ka careysan dil uu askari boolis ah u geystay laba qof oo shacab ahaa, oo ay ku jirto haweenay umu lahayd kana tagtay cunug kaliya hal bil jira.

Ololaha dayactir oo si toos ah looga sii daayey Telefishinka ku hadla afka Dowladda Federaalka waxaa fulinaya rag lagu sheegay "dhalinyaro" balse badankooda ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida Qaranka.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan milatariga, booliska iyo Asluubta ayaa kasoo muuqdey, taas oo qudheeda ay su'aallo geliyeen dadyow kala duwan.

Siyaasiyiin iyo dad kale oo shacab ahaa kuwaas oo ka falceliyey talaabadaas ayaa ku tilmaamay "mas'uuliyad darro" in madaxweynuhu ka doorbido qalabeynta xarunta karantiilka Coronavirus hagaajinta sawirkiisa.

Xarunta karantiilka Covid-19 ee Muqdisho ayaa u baahan qalab badan oo bukaanada ka caawiya neefsashada iyo Matoor labaad oo keyd ah.

Habeenimadii Axadda ee asbuucaan waxaa mar qura gudaha xarunta ku geeriyoodey Sagaal ruux kadib markii ay tagtay Korontada iyagoo uu ku xiran yahay mashiinka neefta dadka ka caawiya.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa qirtay in shan kamid ah bukaanadaas laga baarey xanuunka safmarka ah, lana sugayey natiijadooda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa xusuusiyey Farmaajo in lacagta lagu qurxinayo sawirkiisa la gubay ay tahay "hanti Qaran" oo shaqsi uusan ku daneysan karin.

"Madaxweynaha intii uu Ciidanka Xooga Dalka ku mashquulin lahaa in ay sawiradiisa dib derbiyada ugu dhejiyaan, waa in uu diraa furumaha dagaalka, si ay cadawga ula diriraan. Halka hantida qaranka uu ku bixinayo sawiradiisana waa in uu Cusbital Martiini Matoor ugu iibiyo," ayuu yiri.

Talaabada ay Villa Soomaaliya ugu dhaqsatay qurxinta sawirkii la gubay ee Farmaajo ayaa sidoo kale waxay timid iyaddoo qaar kamid ah gobolada dalka ay saameyn baaxad weyn ku yeesheen roobabkii Gu'ga ee curtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM