Golaha Ammaanka oo warbixin kasoo saarey xaaladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa waxay soo dhaweeyeen guulihii laga gaarey dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgaladaas waxaa si wadajir ah u fulinaya Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada huwanta ah oo taageero dhanka cirka ah ka helaya diyaaradaha Mareykanka ayaa la wareegay degaano uu Awdheegle ku jiro.

Dhaqdhaqaaqyadda waa kuwa wali socda, wallow uu hoos u dhac ku keenay safmarka Coronavirus, kaas oo xaalado dhowr ah laga helay dalka.

Balse, xubnaha golaha ammaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyey in ciidamada ammaanka Qaranka loo adeegsado loolanka siyaasadeed ee maamul goboleedyadda Jubaland iyo Galmudug.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeysan in ay ciidamo ku daad-gureysay gobolka Gedo ee Jubbaland kadib markii ay ku fashilantay in ay farageliso doorashadii madaweynaha.

Ciidankaas oo wali ku sugan gobolka waxaa lagu waramay in ay ka shaqeynayaan siddii ay halkaas uga dhisi lahaayeen maamul kale.

Dhanka Galmudug, dowladda federaalka ayaa lagu dhaliilay in ay awood ciidan u adeegsatay siddii ay meesha uga saari lahayd Ahlu Sunna.

Dhanka kale, xubnaha golaha ammaanka ayaa carro ka muujiyey hakadka ku yimid wadaxaajoodyadda dowladda federaalka iyo maamuladda.

Mareykanka ayaa ka codsaday madaxweyne Farmaajo in uu qabto Shirka Ammaanka Qaranka kaas oo ay isugu yimaadaan hogaamiyeyaasha dowladda federaalka ah iyo maamulada dalka.

Baaqaan ayaa kusoo hagaagaya xilli dalka uu cagaha la galayo xaalad kala guur ah isla markaana aanan wali lagu heshiin nidaamka doorashooyinka 2020-21 lagu galayo, taas oo xoojisay shakiga muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM