Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo codka kalsoonida loo qaadey

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Axad ah wuxuu codka kalsoonida siiyey Golaha Wasiirada cusub ee dhowaan uu magacaabay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Dhamaan mudaneyaashii soo xaadiray kulanka oo tiradoodu gaareysay 78 ayaa u coddeysay, taas oo ka dhigan cod aqbalabiyad leh.

Madaxweyne Qoor-qoor oo uu wehliyo ku xigeenkiisa oo hortagay Golaha Wakiilada dowlad goboleedkaas ayaa kaga mahadceliyey meelmarinta wasiiradda, iyagoo balanqaadey wadashaqeyn iyo isla xisaabtan.

Wasiirada, ku xigeenadooda iyo wasiiru dawlayaasha oo wadar ahaan gaaraya 39 ayaa lagu dhaariyey madasha markii ay ansixiyeen Xildhibaanada.

Sawirro laga soo qaadey madasha ayaa muujinayey in dhamaan mas'uuliyiinta ay wateen maaskaro, taas oo macnaheedu yahay ka hortagga Coronavirus oo kiisas la xiriira laga diiwaan-geliyey degaanada maamulkaas.

Maamulka Qoor-qoor ayaa lagu dhaliilay in uu ka gaabiyey wacyi-gelinta dadweynaha ee la xiriirta halista xanuunka isla markaana agabka ka hortagga ee loogu deeqay ay ku kooban yihiin mas'uuliyiinta.

Caasimada Dhuusamareeb ayaanan wali helin mashiinka lagu baaro fayruska dilaaga ah. Dadka lagu tuhmo cudurka waxaa laga qaadaa dheecaanka, waxaana lagu baaraa sheybaarka yaala magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM