Gollaha Shacabka oo ku kala qeybsamay Mooshinka Jawaari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay Mooshin kalsooni kala noqosho ah, kaasi oo 107 Xildhibaan ay ka gudbiyeen gudoomiyaha Gollaha Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mooshinkan, oo 14-kii bishan loo gacan geliyay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa ka dhashay khilaaf iyo kala qeybsanaan, kadib markii shalay gelinkii dambe uu laalay gudiga joogatada ee Gollaha Shacabka.

Labadii cisho ee lasoo dhaafay Muqdisho ayaa gashay xaalad kacsan iyo jawi cusub, iyadoo uu jiray loolan xooggan oo ay wadeen Xildhibaanada Mooshinka soo gudbisay iyo kuwa kasoo horjeeda ee taageersan Jawaari.

Xildhibaanadii saxiixay Mooshinka iyo Cabdiweli Muudey ayaa xalay saqdii dhexe Muqdisho ku qabtey Shirar Jaraa'id oo ay uga hadleen go'aanka gudiga joogtada uu ka gaarey Mooshinka Jawaari iyo arinta ku aadan in Xildhibaano ay ka laabteen saxiixa.

Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in gudiga joogtada go'aankooda uu ahaa waxba kama jiraan, islamarkaana Mooshinka uu yahay mid sharci ah, kaasi oo sharcinimadiisa ansaxay markii isaga loo gudbiyay, oo uu aqbalay kadibna saxiixay. Halkan ka akhri.

Xildhibaanada Shirka Jaraa'id ka hadlay ayaa iyaguna shaaciyay in laga been abuuray, oo aysan jirin 16 Xildhibaan oo ka noqoday go'aankoodii ay ku saxiixeen Mooshinka, iyagoo intaasi ku daray in wali Mooshinka uu sidiisa u taagan yahay, oo sii soconayo.

Waxay ku eedeeyeen in Jawaari uu ku xadgudbay sharciga, islamarkaana sameeyay ku tagrifal awoodeeda, sidaasi darteedna uu ku lumiyay kalsoonida Golla shacabka. Xildhibaanada ayaa intaasi ku daray inay dooran doonaan Gudoomiye cusub. Halkan ka akhri.

Mooshinka ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho howlaha hay'adaha dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, maadaama ay sida wararku ay sheegayaan ay gadaal ka riixayaan Wasiiro iyo ku xigeeno katirsan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre, oo Xildhibaanno ah.

Jawaari ayaa dhankiisa wada loolan xooggan, oo isaga difaacayo mowjadaha kusoo furmay, isagoo haysta taageerada Xildhibaano badan kuwaasi oo magaalada Muqdisho kawado abaabulka mooshin kale oo xilka looga qaadayo Ra'iisul Wasaaraha.

Wararkii ugu dambeeyay ee Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegay in xalay Muqdisho ay ku kulmeen in ka badan 40 Xildhibaan, kuwaasi oo diyaarinaya Mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

In xilka laga qaado Jawaari waxay u baahan tahay 184 Xildhibaan [Saddex meelood, labo Meel Xildhibaanada Gollaha Shacabka] inay u codeeyaan Mooshinka kalsoonid kala noqoshada ah, iyadoo Ra'iisul Wasaaraha xilka looga qaadi karo wax ka yar tiradaasi.

Daawo Shirka Jaraa'id ee Cabdiweli Muudey:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM