Goobta Soomaaliya looga haystay Silvia Romano oo lasoo bandhigay

Image

ROMA, Italy – Silvia Romano, haweenay arrimaha samafalka ka shaqeysa, ayaa waxaa todobaadkan lagu dhawaaqay in laga soo daayey afduub loogu haystay meelo kamid ah Soomaaliya oo ay kooxda Al-Shabaab maamusho.

Illaa iyo haatan, lama bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loosoo daayey. Dowladda Talyaaniga waxay xaqiijisay in ay soo deynteeda gacan ka haysteen mukhaabaraadka Soomaaliya iyo Turkiga.

Romano oo hal habeen ku qaadatay Muqdisho kadib markii lasii daayey ayaa shalay dib ugu laabatay waddankeeda hooyo.

Bishii November ee sanadkii 2018-kii ayaa laga qafaashay koonfur-bari ee Kenya, halkaasoo howlo bini'aadanimo ay ka fulineysay.

Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa baahisay in haweenayda lagu haystay keyn ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo qiyaastii 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaaladda Muqdisho.

Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa farxad ka muujiyey sii deynta haweenayda, wallow uu adeegsaday eragyga "la xoreeyay".

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waxaa gacantooda wali ku jira bad-maaxiyiin u dhashay Iran, laba dhakhtar oo kasoo jeeda Cuba iyo kalkaaliso u dhalatay Jarmalka, kuwaas oo lagu haystay degaano aan la shaacin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM