Goobta Soomaaliya looga haystay Silvia Romano oo lasoo bandhigay

Image

ROMA, Italy – Silvia Romano, haweenay arrimaha samafalka ka shaqeysa, ayaa waxaa todobaadkan lagu dhawaaqay in laga soo daayey afduub loogu haystay meelo kamid ah Soomaaliya oo ay kooxda Al-Shabaab maamusho.

Illaa iyo haatan, lama bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loosoo daayey. Dowladda Talyaaniga waxay xaqiijisay in ay soo deynteeda gacan ka haysteen mukhaabaraadka Soomaaliya iyo Turkiga.

Romano oo hal habeen ku qaadatay Muqdisho kadib markii lasii daayey ayaa shalay dib ugu laabatay waddankeeda hooyo.

Bishii November ee sanadkii 2018-kii ayaa laga qafaashay koonfur-bari ee Kenya, halkaasoo howlo bini'aadanimo ay ka fulineysay.

Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa baahisay in haweenayda lagu haystay keyn ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo qiyaastii 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaaladda Muqdisho.

Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa farxad ka muujiyey sii deynta haweenayda, wallow uu adeegsaday eragyga "la xoreeyay".

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waxaa gacantooda wali ku jira bad-maaxiyiin u dhashay Iran, laba dhakhtar oo kasoo jeeda Cuba iyo kalkaaliso u dhalatay Jarmalka, kuwaas oo lagu haystay degaano aan la shaacin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM