Guddiga Doorashada Jubbaland oo ka jawaabay 'walaaca' Beesha Caalamka

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey warqad uga timid xubnaha Beesha Caalamka, oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dhacay bishan.

Warqadaasi oo uu ku saxiixnaa ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan ayaa lagu muujiyey walaac ay ka qabaan saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka doorashadda Jubbaland.

Qoraalka James Swan ayaa qayb kamid ah lagu yiri: "Sidee Guddiga u xaqiijin karaa in dhamaan musharixiinta si siman uga wada qeybgali karaan tartanka?".

Sida ku xusan qoraalka jawaabta ah ee guddiga taasi oo uu GO arkay, waxuu Guddigu sheegay in ay kalsooni weyn ku qabaan in doorashada ay yeelato sifooyinkii looga baahnaa, ee ah inay si xor iyo xalaal ah ku dhacdo.

"Geedi u socodka doorashadda waa mid loo wada dhan-yahay," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka guddiga, iyadda oo ay jiraan tabashooyin ka imaanaya musharixiinta.

Hadalka guddiga ayaa kusoo beegmayaa xili dowladda federaalka ay shuruud uga dhigtay aqoon-sashada natiijada kasoo baxda doorashada in la maro habraaca ay u dejisay.

Habraaca ayaa waxaa ugu muhiimsan saddex qodob oo kala ah;

In Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka diiwaan-geliso odayaasha soo xulaya Xildhibaanada baarlamaanka cusub.

In guddi doorasho la sameeyo kadib doorashadda gudoonka baarlamaanka kaasoo diyaarinaya doorashadda Madaxweynaha cusub, meeshana laga saaro midka haatan shaqeynaya.

In doorashadda ay ka dhacdo midkood xarunta Qaramada Midoobay ee magaaladda dekadda leh ee Kismaayo ama Taliska Booliska xarunta Jubada Hoose.

Si kastaba, Jubbaland oo horey u diiday soo jeedinta dowladda Federaalka ayaa ku adkeystay in arrimaha doorashooyinka ay yihiin kuwa u gaar ah maamulkan, oo isaga kaliya go’aamin karo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Jubbaland hogaaminaya tan iyo aas-aaska maamulkaasi, 2013-kii, ayaa hadda kamid ah musharixiinta, isagoo doonaya in mar 3aad la caleemo saaro.

War-saxaafadeedka Guddiga Doorashooyinka oo English ku qoran:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM