Guddiga Doorashada Jubbaland oo ka jawaabay 'walaaca' Beesha Caalamka

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey warqad uga timid xubnaha Beesha Caalamka, oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dhacay bishan.

Warqadaasi oo uu ku saxiixnaa ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan ayaa lagu muujiyey walaac ay ka qabaan saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka doorashadda Jubbaland.

Qoraalka James Swan ayaa qayb kamid ah lagu yiri: "Sidee Guddiga u xaqiijin karaa in dhamaan musharixiinta si siman uga wada qeybgali karaan tartanka?".

Sida ku xusan qoraalka jawaabta ah ee guddiga taasi oo uu GO arkay, waxuu Guddigu sheegay in ay kalsooni weyn ku qabaan in doorashada ay yeelato sifooyinkii looga baahnaa, ee ah inay si xor iyo xalaal ah ku dhacdo.

"Geedi u socodka doorashadda waa mid loo wada dhan-yahay," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka guddiga, iyadda oo ay jiraan tabashooyin ka imaanaya musharixiinta.

Hadalka guddiga ayaa kusoo beegmayaa xili dowladda federaalka ay shuruud uga dhigtay aqoon-sashada natiijada kasoo baxda doorashada in la maro habraaca ay u dejisay.

Habraaca ayaa waxaa ugu muhiimsan saddex qodob oo kala ah;

In Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka diiwaan-geliso odayaasha soo xulaya Xildhibaanada baarlamaanka cusub.

In guddi doorasho la sameeyo kadib doorashadda gudoonka baarlamaanka kaasoo diyaarinaya doorashadda Madaxweynaha cusub, meeshana laga saaro midka haatan shaqeynaya.

In doorashadda ay ka dhacdo midkood xarunta Qaramada Midoobay ee magaaladda dekadda leh ee Kismaayo ama Taliska Booliska xarunta Jubada Hoose.

Si kastaba, Jubbaland oo horey u diiday soo jeedinta dowladda Federaalka ayaa ku adkeystay in arrimaha doorashooyinka ay yihiin kuwa u gaar ah maamulkan, oo isaga kaliya go’aamin karo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Jubbaland hogaaminaya tan iyo aas-aaska maamulkaasi, 2013-kii, ayaa hadda kamid ah musharixiinta, isagoo doonaya in mar 3aad la caleemo saaro.

War-saxaafadeedka Guddiga Doorashooyinka oo English ku qoran:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM