Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Image

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay culeys saaraysay madaxda sare ee howlgalka ATMIS, si ay u sahlaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka, Aadan Madoobe, iyo ciidamo uu wato ay ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah ATMIS iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku dhammaaday guuldarro, kadib markii Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen uu gabi ahaanba diiday in Aadan Madoobe—oo la sheegay iney dabada ka riixeyso Villa Somalia—uu ka soo dago Baydhabo.

Warar kale ayaa tilmaamaya in Dowladda Federaalka ay maanta ciidamo ka dejisay magaalada Baraawe, halka wafdi hordhac ah oo la sheegay inuu ka horeeyay Aadan Madoobe ay saaka ka dageen degmada Buurhakaba.

Dhanka kale, xaaladda amni ee Baydhabo ayaa sii cakirmeysa, iyadoo maamulka magaalada la sheegay inuu dhigay qoryaha lidka diyaaradaha ee ku hareeraysan garoonka diyaaradaha, si looga hortago soo degista wafdiga la isku khilaafsan yahay.

Xiisaddan ayaa imaneysa xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo awood qaybsiga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM