Hogaanka maamulka HirShabelle oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow ayaa shaaciyey in madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, uu leexsaday lacagtii loogu talagalay gurmadka fatahaadihii Beledwayne.

Mudanahaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah oo u waramay Tv-ga RTN ayaa ugu baaqay Waare in uu hor-yimaado dadweynaha una caddeeyo halka ay ku baxsaday lacagtaas.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa imaanaya iyaddoo Guddiga Gurmadka Beledwayne ay dhowaan sheegeen in aysan helin kaalmooyinkii xukuumadda dhexe, Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shiinaha.

Dowladda ayaa gurmadka Beledwayne ugu yaboohday 500-kun oo Doolar, Jabuuti waxay balanqaadey 600-kun, halka maamulka gobolka Banaadir uu bixiyey 100-kun oo Doolar, iyo China oo ah 1.5 milyan.

Dhamaan lacagahaas ayaa la'yahay meesha ay ku baxeen xilli ay Beledwayne kasoo cusboonaatay baahi loo qabo dhismaha biyo-xireen maadaama laga cabsi qabo in uu fatahaad sameeyo Webiga Shabelle.

"Maxaa [madaxweyne Waare] looga baahan yahay markaa? Inuu Tv-ga fadhiisto oo uu si cad uga hadlo," ayuu raaciyey, isagoo dowladda dhexe ku booriyey in deeqaha gurmadka ay mariso Rugaha Ganacsiga.

Marka ay dhacaan musiibooyinka dabiiciga ah sidda xaalada hadda taagan ee Coronavirus, dowlada iyo maamuladda malahan isla xisaabtan dhab oo ku saabsan lacagaha lagu bixiyo.

Iyagoo adeegsanaya lacago kaga timid meelo ay Puntland kamid tahay, Guddiga Gurmadka Beledwayne ayaa bilaabay dedaalo ay kaga hortagayaan daadadka, wallow ay sheegeen in ay wajahayaan dhaqaalo yari.

Hogaanka HirShabelle ayaa nan wali ka jawaabin eedeynta musuqmaasuq ee ka timid Xildhibaanka. Si lamid ah, dowladda federaalka ayaan ka falcelin sheegashada ku aadan in aysan bixin shanta boqol kun.

Siyaasiyiin mucaarad ah oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa baraha bulshadda ku faafiyey in dowladdu deeqii daadadka aysan geyn HirShabelle.

"Shacabka reer Hiiraan waxay dawladooda weli ka sugayaan halkii ay marisay $1.5 Milyan ay Shiinuhu ku deeqeen, $600 oo kun oo ay Jabuuti ku deeqday iyo $500 oo kun ee ay iyadu yaboohday," ayuu soo qoray.

HirShabelle ayaa wajaheysa buuq siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxtooyadda iyo baarlamaanka kaas oo salka ku haya arrimo ay kamid tahay soo xulista Xildhibaanada cusub, walina xal lagama gaarin.

Daahir Aamiin Jeesow oo degaan doorashadiisu tahay HirShabelle ayaa kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka federaalka ah ee bilooyinkii lasoo dhaafay u dhowaa Villa Soomaaliya kana difaaca eedaha siyaasiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM