Il-duufka, is-dhigasha iyo dayaca ku xeeran amniga Muqdisho

Image
Wadashaqeynta shacabka iyo dowladda oo hadda meesha ka maqan waa xujo dowladihii hore la kufeen tana hortaala.

MUQDISHO, Soomaaliya - In dayacaad amni ay jirto guud ahaan dalka gaar ahaan caasimadda waa arrin laga wada dheregsanyahay, balse tan aanan weli lagu baraarugsanayn ayaa ah il-duufka iyo is-dhigasha amniga iyo bad-qabka dadka.

Maanta qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Soobe ayaa tusaale kale u ah illaa heerka dadka aysan waxbo ka baranin waayo-aragnimada laga dhaxlay qaraxyadii hore ee Alshabaab.

Midi waa taxadar la’aanta shacabka, tan kalena waa cago-jiidka dowladda oo ku dhawaaqdey in dalka uu galay dagaal hase ahaatee aanan si wanaagsan ugu tabaabusheysan.

Sharciga Argagixisada

Marka laga yimaado gaabisyada kale ee adkaynta amniga, dowladda federaalka waxa ay si weyn uga gaabisay in aanan illaa iyo hadda la meel-marin sharciga la dagaalanka argagixisada oo khuburada amniga ay rumeysan yihiin in uu wax weyn ka tari lahaa soo afjarista Ilaha ay kasoo burqanayso dhibaatada Al-Shabaab, gaar ahaan dadka lacagaha siiya ururkani.

Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in sharcigani uu wax ka tari lahaa in caddaalada lala tiigsado saraakiisha ciidanka ee laaluushka ka qaata Al-Shabaab, kadibna gudbiya gaadiidka qaraxyada wada ama siyaabo kale u fududeeya hawsha.

Bartilmaameedka qaraxa waxa uu ahaa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, waxaana xusid mudan in markii labaad oo la weeraro ay tahay wasaaraddan, weerarkii ugu dambeeyay waxa uu dhacay sanadkii 2015-kii.

Dhismaha wasaaradda ayaa ku yaala aagga ugu mashquulka badan magaalada, waxayna dad badani durba isweeydiinayaan in ay habboonaan lahayd in wasaaradda loo wareejiyo dhismayaasha kale ee tirada badan ee ay dowladda leedahay si halista loo yareeyo.

Waddo xumada iyo naqshadda isgoys la’aanta Soobe ayaa iyaduna keenta saxmadda tirada badan, taas oo weli ay dowladda xal u la’dahay, waxaana markasta ka dhasha natiijo fool xun sidii dhacday 14-kii Oktoobar 2017-kii, xilligaas oo qarixii dhacay uu geystay qasaarihii ugu badnaa oo maalin kaliya ah.

Dhanka Shacabka

Waxaa shacabka Soomaalida intooda badan caado u ah in ay ku xoomaan goobaha la weeraray ama uu qaraxa ka dhacay sidii ka muuqatay muuqaalo maalmo ka hor laga soo duubay magaalada Kismaayo oo uu ka dhacay weerar argagixiso.

Dadka maanta ku dhintey qaraxa Muqdisho waxa ay intooda badan waxyeelada soo gaartay markii uu dhacay qarixii labaad, sababtoo ah waxa ay meesha ku xoomeen qarixii hore kadib, taas oo in badan oo ka mid ah laga baaqsan karay.

Ciidamada dowladda ayaanan iyaguna inta badan xakamayn karin shacabka kusoo xoomaya meesha wax ka dhaceen, taas oo qasaaraha kasokoow keenta jiho wareer badan oo xitaa kooxaha gurmadka qalqal galisa ama hawshooda gaabis ka dhigta.

Si kastaba ha ahaatee, wax ka qabashada amniga ayaa ah lakabyo is dul saarsaaran oo ay tahay in shacabka iyo dowladaba ay si wadajir ah uga shaqeeyaan. Wadashaqeyntaas oo hadda meesha ka maqan waa xujo dowladihii hore la kufeen tana hortaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM