Ilhaan Cumar oo dirtay codsi la xiriira shacab lagu laayey Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar iyo todoba mudane kale oo ka tirsan Aqalka Sarre ee Mareykanka ayaa warqad ay ku dalbanayaan sharaxaad dheeri ah u diray hogaanka taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika.

Majaladda Daily Beast oo nuqul kamid ah warqadda heshay ayaa warisay in ay xubnahaan codsadeen in la kala caddeeyo qaabka ay AFRICOM u baarto waxyeeladda shacabka kasoo gaara duqeymahooda Soomaaliya.

Xilli looga mahad-celiyey kaalintooda, xubnaha ololahan ku wehlinaya Ilhaan Cumar ayaa badankooda gudoomiya guddi iyo guddi-hoosaadyo ah.

Warqada oo ay ku hagaajiyeen xafiiska madaxda AFRICOM, Stephen Townsend, ayay sidoo kale ku codsadeen in fahfaahin laga siiyo farqiga tirada geerida ee hay'addaha shaaciyeen iyo midka taliskooda.

Hogaanka AFRICOM ayay xusuusiyeen in dedaalada ay wadaan uu u ogolaanayo xeer uu dhowaan ansixiyey golaha Congress-ka.

"Markay warbixintu ka timaado NGO-yo lagu kalsoonaan karo oo casri ah oo leh awood dhaqan iyo luuqad, wararka ku saabsan waxyeelada shacabka ma ahan kuwa si fudud loo in-kiri karo," ayay raaciyeen.

Tan iyo sanadkii 2007-dii, Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya wuxuu howlgalo dhulka iyo cirka ah uu kula beegsadaa Al-Shabaab iyo Daacish. 13-kaas sano, kaliya geerida afar qof oo shacab ah ayuu qirtay.

Hase ahaatee, hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha sidda Amnesty ayaa tilmaamay in ay jiraan boqolaal uu dafirayo Mareykanka.

Dabayaaqada bishii lasoo dhaafay ee Maaj, taliska AFRICOM ayaa qirtay laba qof oo shacab ahaa in ay ku dileen gobolka Shabeellaha, waxayna tibaaxeen in kiisas kale oo rayid la xiriira ay dib-u-eegis ku wadaan.

Warqadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM