Jubaland iyo Galmudug oo ka hadlay dilka gudoomiyihii Mudug ee Puntland

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyneyaasha maamulada Jubaland iyo Galmudug, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe oo lagu cambaareeyay "falkaas argagixiso" ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

"Ugu dambeyn, waxaan ALLE uga baryaynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka in uu samir iyo iimaan siiyo, isaguna janada Firdowsa uu guri uga yeelo. Aamiin," ayaa la raaciyey qoraalka.

Dhinaciisa, Qoor-qoor oo shalay la hadlayey baarlamaanka Galmudug, ayaa midnimo u muujiyey dowladda Puntland iyo shacabkeeda isagoo naxariista EBBE u rajeeyay marxuumka.

Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur-yarre, ayaa lagu dilay is-miidaamin loo adeegsaday gaari NOAH ah oo Al-Shabaab shalay ay ka fulisay waqoyga Gaalkacyo.

Walaalkiisa, Maxamed oo ahaa 64-sano jir, ayaa kamid ahaa ugu yaraan lix ruux kale oo la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dhacdadaas foosha xun.

Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa balanqaadey in loo aargudi doono marxuumka iyo dadka kale.

Qaraxaas is-miidaaminta ahaa ayaa yimid xilli laamaha ammaanka ay maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen magaaladda howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda, kuwaas oo lagu soo qabtay maleeyshiyaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM