Jubaland iyo Galmudug oo ka hadlay dilka gudoomiyihii Mudug ee Puntland

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyneyaasha maamulada Jubaland iyo Galmudug, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe oo lagu cambaareeyay "falkaas argagixiso" ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

"Ugu dambeyn, waxaan ALLE uga baryaynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka in uu samir iyo iimaan siiyo, isaguna janada Firdowsa uu guri uga yeelo. Aamiin," ayaa la raaciyey qoraalka.

Dhinaciisa, Qoor-qoor oo shalay la hadlayey baarlamaanka Galmudug, ayaa midnimo u muujiyey dowladda Puntland iyo shacabkeeda isagoo naxariista EBBE u rajeeyay marxuumka.

Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur-yarre, ayaa lagu dilay is-miidaamin loo adeegsaday gaari NOAH ah oo Al-Shabaab shalay ay ka fulisay waqoyga Gaalkacyo.

Walaalkiisa, Maxamed oo ahaa 64-sano jir, ayaa kamid ahaa ugu yaraan lix ruux kale oo la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dhacdadaas foosha xun.

Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa balanqaadey in loo aargudi doono marxuumka iyo dadka kale.

Qaraxaas is-miidaaminta ahaa ayaa yimid xilli laamaha ammaanka ay maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen magaaladda howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda, kuwaas oo lagu soo qabtay maleeyshiyaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM