Jubaland oo shaacisay natiijada qof laga baarey fayruska Corona

Image

KISMAAYO, Jubaland – Guddiga Jubaland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo ka hortagga faafitaanka Coronavirus ayaa shaaciyey natiijadda ruux looga shakiyey cudurkaas oo ku sugan magaalada Dhoobley.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in max-suulka baaritaanka ay noqotay in qofkaas laga waayey xanuunkaas.

"Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubba hoose ayaa maalmo ka hor laga helay ruux lagu arkay calaamadaha xanuunka kadibna baaritaan ayaa lagu sameeyay, Waxaana loo diray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, Daqiiqo kahor ayuu guddigu u xaqiijiyay in Kiiskaas laga waayay xanuunka," aaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo soo baxay xalay.

Bayaanka ayaa nan lagu bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan shaqsigaas. Fahfaahinta muhiimka ah ee loo baahan yahay waxaa kamid ah; meesha uu ka yimid iyo sidda xaaladiisu tahay haatan.

Jubaland ayaa horey u sheegtay in magaalada Kismaayo laga helay laba xaaladood caabuqaas ah. Balse wararku waxay sheegayaan in ay baxsadeen, wallow aysan jirin cid mas'uul ah oo ka jawaabtay.

Kismaayo ayaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah, kaas oo todobaadkii ah hore dhaqan-galay. Ciidamadda Booliska ayaana fulinaya.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska Covid-19 ayaa gaaraya 135. Wasaaradda Caafimaadka waxay sheegtay in ay badan karaan. Dadweynaha ayay ku tartarsiisay in ay muujiyaan taxadar badan dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM