Jubaland oo ka jawaabtay hadal uu Madiera ugu gefay heshiiskii Nairobi

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Jubaland ayaa maanta oo Isniin ah soo saartey war qoraal ah oo ay kaga falcelisay khudbadii uu wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera u jeediyay 21-kii bishaan Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Maamulka ayaa muujiyay "in uusan wacneyn" hadalka Francisco Madiera oo ay ku jireen erayo xanaf leh, oo dhaawacaya kalsoonidii iyo dhexdhexaadnimadii uu ku joogay Soomaaliya, isagoo wakiil uga ah Midowga Africa.

Madiera, ayaa ku tilmaamay heshiiskii Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnaha mucaaradka ay ku saxiixeen Nairobi 23-kii April 2020 mid ay xubno hal beel kasoo jeeda gaareen, oo awooda ku qeybsanayaan, isagoo ku sifeeyay heshiis aan loo dhameyn.

Jubaland ayaa aad uga carootey hadalkan, waxayna sheegtay inuu dhaawacayo hanaanka dib u heshiisinta maamulka Jubaland, oo saaxiibada beesha caalamka aad usoo dhaweeyay markii Axmed Madoobe iyo xubno kale oo kasoo horjeeday ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay.

"Qabiilka waa arrin aad xasaasi u ah, marka la eego kaalinta uu ka qaatey taariikhda colaadii dalka soo martay ee burburka laga dhaxlay, sidaas darteed sheegista magaca qabiil gaar ah uu sheegay xafiiska Midowga Africa waa arin muujinaysa faragelin siyaasadeysan, oo cawaaqib xun u keeni karta Jubaland iyo dalka Soomaaliya oo dhan," ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland soo saartay maanta.

Jubaland waxay ugu baaqday Madiera inuu u guto mas'uuliyadiisa si dhex-dhexaadnimo ku jirto kana fogaado wax kasta oo hagal-daacinaya dedaallada dib u heshiisinta iyo nabadeynta dalka.

Madasha Xisbiyada qaran ayaa 20kii bishaan warqad u dirtay Midowga Africa, iyadoo dalbatay in Madiera dalka laga saaro, kadib markii sida ay sheegtay uu ka weecday dhex-dhexaadnimada arrimaha gudaha Soomaaliya, oo faragelin ku sameynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM