Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqdey in berri ay Ciid tahay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa wuxuu shaaciyey in berri ay tahay Ciid kadib markii la arkay bisha Shawaal.

Dowlad goboleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa kahor shaacinta wasiirka wuxuu ku dhawaaqay in berri ay tahay Ciid.

Agaasimaha waaxda Diinta iyo Awqaafta ee wasaaradda Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha Diinta maamulkaas ayaa xusay in bisha Shawaal laga arkay qaybo kamid ah waddanka.

Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa degaanada laga arkay bisha ku kala sheegay; Xayo, Qooqaanni, Taabto, Filfilaah iyo Waraha Dhoobley oo hoostaga ismaamul goboleedkaas.

"Sidoo kale waxaa laga arkay deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Ufurow oo katirsan gobolka Bay," ayuu raaciyey kadib shir jaraa'id uu ku qabtay Kismaayo.

Dhawaqa kasoo yeeray Jubbaland ayaa yimid saacado kadib markii wasiir Nuur uu tibaaxay in aysan wali xaqiijin in bisha laga arkay qabo kamid ah waddanka.

"Annaga waxaan arrimaha Diinta mas'uul uga nahay Ummadda Soomaaliyeed waxayna naga ahayd in aan wax sugan lehno sidda hadda dhacday, Ciid wanaagsan ayaan leeyahay dhamaan Ummadda Muslimiinta gaar ahaan bulshadda Soomaaliyeed," ayuu ka yiri baahin gaar ah oo warbaahinta Qaranka ay ka sameysay munaasabadan.

Sheekh Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in sideed ruux oo ku kala sugan Muqdisho, Qoryooley iyo Doolow ay soo wariyeen lagana xaqiijiyey in ay arkeen bisha Shawaal.

Dhowr jeer ayay horey uga dhacday qaybo kamid ah Soomaaliya in lagu kala qeybsanayo dabaaldega Ciidda, balse waxaa sanadihii lasoo dhaafay muuqaneysay in laga gudbayo khilaafka oo dhanka koonfurta ku badneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM